Nala soo xiriir

Wararka

Kulan ku aadanaa dib u eegista Dastuurka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa

La Qoray

on

Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-xanaf, Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, xildhibaano, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Nickolas Kay iyo weliba khubaro caalami ah oo ku xeel dheer arrimaha Dastuurka.

Ku-simaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in Dastuurkeena uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in la dhameystiro, ayna u baahan tahay arrintaasi in si wada jir ah, talo iyo tusaale looga helo dowlad goboleedyada iyo maamul goboleedyada, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Baarlamaanka iyo dhamaan cid kasta oo loo arko inay aragti muhiim ah ku kordhin karto dhameystirka Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in khubarada iyo xildhibaanada Baarlamaanka iyo aqooyahanada kale ee madasha fadhiya ay diirada saaraan, sidii loo heli lahaa talooyin wax ku ool ah oo dhameystir u noqda Dastuurkeena qabyada ah.

Amb. Nickolas Kay ayaa isna soo dhoweeyey dadaalada iyo wadatashiyada ceynkan oo kale ah, kuwaasoo lagu doonayo in lagu dhameystiro Dastuurka qabyada ah haatan lagu dhaqmo, waxa uuna ballan qaaday in Q/midoobay iyo beesha caalamkuba ay taageero dhinacyo badan leh ka geysanayaan dhameystirka.

Wasiirka Dastuurka oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dastuurku ay ku howlan tahay wadatashiyada qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, ayna kulankan ku casuumeen khubaro heer caalami ah kuwaasoo ay uga faa’iideysan doonaan arrimaha siyaasada, gaar ahaana arrimaha ku saabsan awooda, kheyraadka, canshuuraha, maadaama ay yihiin aqooyahano caalami ah.

Wasiiro9

Wasiiro13

Wasiiro24

Wasiiro32

Wasiiro42

Wasiiro51

Wasiiro61

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Somalida ku nool dalka Kenya oo dhac loo geeystay

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Magaaladdda Nairobi Gaar ahaan Xaafadda Islii oo Soomali badan ay kunool yihiin ayaa maal mihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badtay  Burcad moobilada ka dhaca somalida ku nool xaafada Islii

tuugadan ay si gaar ah u beegsanayaan Soomaalida oo kaliya, isla markaana ay wataan Mootada labada lug leh, iyaga oo markii ay taleefoonka kaa dafaan cararaya.

Qaar ka mid  Soomaalida taleefoonada laga dhacay ayaa sheegeen  in arrintaan ay jirtay maalmihii la soo dhaafay dad badan oo Soomaali ahna la dhacay, waxaana ayna dowladda Kenya ugu baaqeen  inay arrintaan ay waxka qabataan

Dhacaan  ayaan imaanaysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen falalka afduubka ah ee loo gaysto Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaana xaafadda Islii

sii aqri

Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo wasa Diyaar Garowgii Udambeeyay Ee Todobaadka Xurriyadda

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Maamulka Gobolk Banaadir ayaa Wada diyaar garowgii udambeeyay ee toddobaadka xorriyadda oo lagu diyaarinayo qurxinta Waddooyinka waa weyn ee caasimadda Muqdisho.

Waxaa saakay kormeer ku tagay goobaha ay Shaqadu ka socoto Agaasimaha Guud ee Arimaha Bulshada ahna ku simaha Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed Ahmed Cantoobo oo aay wehlisay Agaasimaha Waaxda Beeraha iyo Jardiinooyinka.

 

sii aqri

Wararka

Madaxda DF Iyo Madaxda maamul Goboleedyada Oo Shir Isugu Imaanaya, Kadib Heshiiskii La Gaaray

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ra’iisul Wasaaraha Dalka  Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay kulan ku yeeshay qadka Internet-ka gaar ahaan aalada ZOOM-ka…

Kulankaan oo ahaa midkii ugu horreeyay kadib saxiixii heshiiskii doorashada laga gaaray ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta heshiiskii doorashada dalka ka dhaceysa, iyagoona inta uu socday kulanka Go’aan ku gaaray.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxda isku raaceen in Shir isugu yimaadan Rooble, Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa la qorsheeyay inuu Caasimadda dalka ka furmo maalinta sabtida soo socota, isla markaana maalmaha soo socda Madaxda dowlad Goboleedyada ay soo gaari doonaan Muqdisho, si ay uga qeyb galaanka Shirka furmaya.

Shirkan Madaxda ayaa looga hadli doonaa dardar gelinta doorashada dalka ka dhaceysa, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka  Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu magacaabo Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaasoo Garbahaarey u tagaya xalinta arrinta Gedo.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka20 hours ago

Somalida ku nool dalka Kenya oo dhac loo geeystay

Wararka2 days ago

Maamulka Gobolka Banaadir Oo wasa Diyaar Garowgii Udambeeyay Ee Todobaadka Xurriyadda

Wararka2 days ago

Madaxda DF Iyo Madaxda maamul Goboleedyada Oo Shir Isugu Imaanaya, Kadib Heshiiskii La Gaaray

Wararka2 days ago

Kalluumeysatada somaliya oo soo dhaweeyay heshiiskii ganasi ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Wararka2 days ago

Madaxweynaha maamul Gobileedka Hirshabeele oo war ka soo saaray Dilkii Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Hiiraan

Wararka3 days ago

Madaxweynaha Dalka oo Bogaadiyay Dadaaladda Xukuumadda ee awood siinta ganacsatada Soomaliyeed

Wararka4 days ago

Madaxweynaha maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed oo Bulshada Waajid kala hadlay furitaanka wadooyinka uxiran Al-shabaab

Wararka5 days ago

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Taagero Ka Helay Turkiga.

Wararka5 days ago

Lafta-gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo Ayaa Gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wararka5 days ago

Janan Ayaa Safar ugu Ambabaxay Dalka Itoobiya.

Wararka5 days ago

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Oo Gaaray Cadaado.

Wararka5 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Hadbalyo U diray Antonio Guterres.

Wararka5 days ago

Madaxweynaha Soomaaliland Oo Maanta Daah-Furay Imtixaanaadka Shahaadiga.

Wararka5 days ago

Muwaadinka Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika.

Wararka5 days ago

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galaysa Shurka Antalya.

Wararka5 days ago

Madaaxweynaha Wadanka Nigeria oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Boko Haraam

Wararka6 days ago

Madaxweynaha Maamulka Jubland oo Gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada .

Wararka7 days ago

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta Daqliga gobolka Banaadir

Wararka7 days ago

Barlamaanka maamulka Puntland oo dood kayeelanaya Shirkadda DP world

Wararka7 days ago

Madaxweynaha Dalka oo ku wajahan Turkyga

Ciyaaraha7 days ago

Rasmi Ramos oo ka tagay Naadiga Real madrid

Wararka7 days ago

Wasiiradda Arimaha Dibadda Somaliya iyo kan Knya oo Wada Hadlay

Wararka7 days ago

qasaaro dhimasho Iyo Dhaawac ka dhashay Shil gaari oo K dhacay Dowlad Deegaanka Soomalida

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco