yadoo maanta ay ku beegneyd, xilligii Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu u asteeyay in la isugu imaanaayo wada hadalka u dhaxeeya Madaxweynaha Somaliya iyo Xildhibaanada Mooshinka ka soo gudbiyay Madaxweynaha, ayaa waxaa kulanka maanta ku yimid dib u dhac.
Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo qorshaha uu ahaa inuu kulanka ka furmo, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in kulanka uu baaqday, waxaana sidaasi lagu sheegay Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Somaliya.
Wariyeyaasha ku sugan Xarunta Golaha shacabka ayaa soo sheegaya mid ka mid ah la taliyeyaasha Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu akhriyay warqad ay ku cadahay sababaha uu u baaqday kulanka, waxaana lagu sheegay sababta in Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu dalka ka maqan yahay, taasina ay tahay sababta baaqashada kulanka maanta.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa la sheegay inuu imaanayo 10-ka Bisha, iyadoo wixii ka dambeeyo xilligaasi la qorsheynaayo waqtiga kulanka uu dhacaayo.
Ka sokoow in Ra’iisul Wasaaraha Somaliya kulankaasi uu u baaqday, ayaa wararka waxa ay sheegayan in inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya aysan maanta imaanin Xarunta Golaha shacabka.
Wariye ku sugan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya in Xildhibaano tiro yar ay yimaadeen Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay u sheegay inaysan ka qaybgaleyn kulanka Xildhibaanada iyo Madaxda dalka u dhaxeysa.