Ciidamada ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah illaa afar nin, oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen madaafiicdii khasaaraha sababay, ee xalay loo riday dhinaca Madaxtooyada, balse dad rayid ah ku waxyeeleeyay Degmooyinka Xamar Jajab & Waaberi.
Ninka la qabtay, ayaa isagoo dhaawac ah waxaa laga soo dhex qabtay Isbitaalka Madiina, xilli sida la sheegay uu isu deyaayay inuu isku dhex qariyo dadkii rayidka ahaa, ee waxyeeladu ka soo gaartay madaafiicdaasi.
Ninkan wuxuu ka mid ahaa afar nin oo la socotay gaari caasi/hoomey ahaa oo laga tuuray madaafiicda, wuxuuna dhaawacaasi ka soo gaaray iska horimaad ay Ciidanka Booliska kula galeen wadada Maka Al Mukarama, ka gadaal markii wadihii gaariga lagu amray inuu joojiyo, balse ay rasaas kala horyimaadeen Ciidanka Booliska.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/kaamil Macalin Shukri, ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Nabad Suggida, ay ninkaasi ka soo qabteen Isbitaalka Madiina, xilli sida uu sheegay uu isu ekeysiinaayay shacabkii ku dhaawacmay madaafiicdii ay tuureen.
Afhayeenka, ayaa tilmaamay laamaha ammaanku inay ku daba jooggaan saddexdii nin ee kale, oo mid ka mid ah sida uu sheegay uu ku dhaawacmay iska horimaadka ka dhacay jidka Maka Al Mukarama.
C/kaamil Macalin Shukri oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta, ayaa dhanka kale xaqiijiyay in mid ka mid ah Ciidanka Booliska ee ka hawlgala wadadaasi, uu dhaawac fudud ka soo gaaray iska horimaadkaasi.
Laamaha ammaanku waxay sheegeen in laba qof ku dhimatay madaafiicdan, halka in ku dhow 10 kalana ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay waxaa qaarkood soo gaaray dhaawacyo culus.
Afar qof oo isu qoys ah, ayaa ka mid noqday dadkii xalay ku dhintay, kuna dhaawacmay tiro madaafiic ah oo loo tuuray dhinaca Madaxtooyada Somaliya, balse ku soo hoobtay Degmooyinka Xamar Jajab & Waaberi.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dadka degan Degmooyinka Madaxtooyada Somaliya ku teedsan, ayaa baqdin xoog lihi ka muujinaaya madaafiicda ka dhanka ah Madaxtooyada.