Ciyaaraha
Louis van Gaal oo ka fakaraya Inuu Iska Casilo Shaqada Manchester United Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.
Louis van Gaal ayaa doonaya inuu isaga dhaqaaqo Manchester United xagaagan sannad ka hor inta uusan dhamaanin qandaraaskiisa, sida ay qortay jariirada Ingariiska ee Daily Mirror.
Van Gaal ayaa hal xilli ciyaareed uu qandaraaskiisa uga harsanaan doonaa ka dib marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan laakiin waxaa la fahamsan yahay inay ku sii korodhay cadaadiska shaqada waxaana laga yaabaa inuu isaga tago shaqada xilli hore.
Ilo ku sugan Holland ayaa sheegaya in qoyska tababaraha reer Holland ay ku soo kordheyso walaaca ay ka qabaan howsha ku culus 64 jirkaan ee Old Trafford.
Van Gaal ayaa isaga shaqsi ahaantiisa qirtay inuu iscasilaad ka doorbidayo halkii la ceyrin lahaa intii lagu guda jiray sideed kulan oo isku xigta oo aan laga badinin Manchester United sannadkii hore.
Waxaa uu ka cawday saameynta ay ku yeelatay qoyskiisa iyo asxaabtiisa wararkii xanta ahaa ee sheegayay in la ceyrinayo, waxaana la fahamsan yahay in dadka isaga ku dhow dhow ay ka cabsi qabaan inuu dhamaadka xilli ciyaareedkan go’aansan doono inay shaqada intaas kaga egtahay islamarkaana uu ciyaaraha ka fariisto 12 bilood ka hor waqtigii uu qorsheynayay.
Ciyaaraha
Kooxda Elman oo markii ugu horeysay u laabatay horyaalka heerka labaad
Kooxda kubadda Cagta Elman oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ayaa maanta ka hartay horyaalka koowaad ee Dalka kadib markii ugu horeysay tan iyo markii uu dib u bilowday horyaalka Soomaaliya Dowladii dhexe ee dalka.
Kooxda Elman ayaa ka mid ahayd kooxaha ugu guulaha badan ee Horyaalka dalkeenna.
Kulankii ugu dambeeyey oo ah mid lagu kala saarayay, Elman iyo Jeenyo cidda u laabaneyso horyaalka heerka labaad ee dalka ayaa ka dhacay galabta tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, waxaana cayaartii maanta oo ay u soo daawasho tegeen dadweyne aad u fara badan oo ka kaal yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qeybtii hore ee cayaarta ayaa lagu kala nastay bar bardhac 1-1, waxaana cayaarta qeybtii labaad marka la isku soo laabtay ay labada koox sameeyeen weerar iyo weerar celis oo ay labada dhinacba ku abuureen fursado dahabi ah oo ay goolal ku keeni kareen, balse ugu dambeyn Kooxda Jeenyo ayaa la timid gool taasi oo cayaarta ka dhigtay 2-1 oo ay guusha ku hogaamineysay Jeenyo.
Guud ahaan cayaaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda Jeenyo, halka Kooxda Elman ay u laabatay heerka labaad horyaalka Dalka.
Ciyaaraha
Kooxda Paris Saint-Germain oo Ku dhawaaqday Lawareegidda Gool haye Dannarumma
Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa goolhayaha reer Talyaani ee Gianluigi Donnarumma.
Gianluigi Donnarumma ayaa u saxiixay Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, heshiis muddo 5 sano ah, kaasoo gaaraya ilaa iyo xagaaga 2026, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay naadiga reer Talyaani ee AC Milan.
Ku dhawaaqistan rasmiga ah ee dhameystirka heshiiska Gianluigi Donnarumma ayaa imaanaya dhowr maalmood kaddib markii uu xulkiisa Talyaaniga ku hoggaamiyay hanashada Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee Euro 2020.
Gianluigi Donnarumma ayaa si bilaash ah ugu biiray kooxda reer France eeSaint-Germain, kadib markii uu dhacay qandaraaskiisa naadiga AC Milan.
Goolhayaha reer Talyaani ayaa noqday saxiixii afaraad ee kooxda Paris Saint-Germain xagaagan, kaddib xiddigaha kala ah Georginio Wijnaldum, Achraf Hakimi iyo Sergio Ramos.
Ciyaaraha
Rasmi Ramos oo ka tagay Naadiga Real madrid
kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xaqiijisay in Kabtankeeda Sergio Ramos uu isaga tagayo naadiga marka uu dhammaado qandaraaskiisa.
Laacibkan ayaa haatan soo gabo-gabeynaya 16 sano oo uu xirnaa maaliyadda naadiga Real Madrid xagaagan.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa socday wada-xaajood ku aaddan in heshiiska loo kordhiyo difaaca reer Ispain balse ugu dambeyn waxaa burburay wada-hadalladaas
saacadaha soo Aadan ayaa la qorsheeyay inuu xiddiggan qabto shir jaraa’id oo uu ku macsalaameynayo kooxda.
-
News In English1 year ago
Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.
-
Wararka3 months ago
Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love
-
Wararka3 years ago
Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.
-
Ciyaaraha3 years ago
Kooxda Elman oo markii ugu horeysay u laabatay horyaalka heerka labaad