Isagoo ka qeybgalayay xaflad ka dhaceysay gobolka Florida ee dalka mareykanka, xidigii hore ee Barcelona, Real Madrid, Inter Milan iyo xulka Brazil ee Ronaldo Luís Nazário de Lima ayeey saxaafada wax ka weydisay xaalada kooxdiisa hore ee Madrid iyo shaqada uu hayo macalinka cusub ee kooxdaasi ee Zizou Zidane wuxuuna si aan caadi aheyn u amaanay macalinkaan.
Keenistii Zidane ma tahay shaqadii ugu fiicneyd ee ay qabatay Real Madrid?
Haa, waan hubaa Zizou wuxuu qaban doonaa shaqo weyn, si lamid ah sida uu isagoo ciyaariyahan ah u shaqeeyay, waxaan la socday horuamrka uu sameynayo tan iyo markii uu macalinka noqday, dhowr jerr ayaan booqday Valdebebas (Xarunta tababarka kooxda Madrid), waxaa qasab ah inaan nasiib oo dhan u rajeeyo”.
Ronaldo oo hadalka sii wata ayaa yiri “Waxaad la dhaceysaa sida sahlan ee uu fariintiisa ugu gudbiyo ciyaartooydiisa, wax ugu baahan sharaxaad badan ma jiraan, wax waliba waa ay u sahlan yihiin, waxaa la joogaa waqtii koobab ay kooxda ku guuleysan laheyd maadaama ay Madrid u sameysan tahay ku guuleysiga koobab”.
Miyaay jiraan wax u dhexeeya Zidane iyo James?
Hadii aan daacad u hadlo ma ogi, ma aqaano sida ay wax u jiraan laakin wax waliba oo dhaca Zidane waa nin awood u leh inuu xaliyo, xitaa haduu cadaadis ku yimaado wuxuu leeyahay awood uu ku xamilo, waa qof daacad ah oo horu socod ah, shaki ayaa iga jira in cid Zidane la doodeysa iney jirto, waana taas sababta dhabta ah ee aanan waligey ugu fakarin inaan macalin noqdo una noqdo koox ka kooban 25 ciyaartooyd, awood uma yeesheen inaan kala xaliyo.