Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan shirka maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho ee looga hadlayo Doorashada Qaran ee dalka Somaliya ka dhaceyso nooca ay noqon doonto.
Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay inaysan waxba ka quseyn shirka maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Sheekh Maxamed Shaakir in aysan jirin wax tixgelin ah oo aan laga siin ka maamul ahaan, islamarkaana wixii soo baxa aanay iyagu qeyb ka ahayn.
“Waxaan halkaan ka cadeyneynayaa maamulkeena ku yimid rabitaanka shacabka gobalada dhexe, in aan wax qeyb ah ka ahayn shirka Muqdisho ka furmaya, maadaama aanay jirin wax talo, tixgelin aan ku lahayn, waxaan u sheegaynaa shacabkeena inaan ku hageyno wax ay hubaan.” Ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe wuxuu tilmaamay inaan lagu kadsoomin shirkaasi ka furmaya magaalada Muqdisho, isaga oo Beesha caalamka ku wargeliyay Maamulka Gobolada Dhexe inaan wax tixgelin ah laga siin shirka.
Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa Magaalada Muqdisho in uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Doorashooyinka Qaran ee looga hadlayo nooca ay noqon doonto doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2016-ka.