Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxay ka hortimid Shirkii New Deal ee Khamiistii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Arbacadii uu ka furmay Xaruntii Ciidanka Cirka Somaliyeed Ee Efisyooni.
Gudoomiyaha Guddiga Talada Ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan, ayaa sheegay War Murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi inay ka maqleen Warbaahinta uun, isla-markaana aanu xiiso ku hayn shacabka Somaliyeed.
Gudoomiyaha, ayaa hoosta ka xariiqay shirkaasi inaanu ka soo bixin wax natiijo ah oo macno ugu fadhiya dalka iyo dadka Somaliyeed, isagoo intaa ku daray inaanu shirku ka soo bixin wax ay dadku ka rajayn karaan.
Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan, ayaa arrinta la xiriira inaanay doorasho qof iyo codkii dalka ka dhicin karin ay tahay dhibaato hor leh, haddii dadka Somaliyeed ay ku taamayen in doorasho xor ah ka qabsoomto dalka sanadka 2016.
Waxa uu Madaxda Dowladda Somaliya uu ku eedeeyay wax kastaa oo ay qabtaan inay horseedo lugooyo/dib u dhac, isla-markaana aynaan Ahlu Sunna u arag wixii shirkaasi ka soo baxay, wax u baahan in la qiimeeyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay Maamulada Puntland iyo Jubbaland inaanay kala hadalba ka qaybgalka shirkaasi, xilli uu sheegay in Ahlu Sunna ay shirkaasi u arkaysay mid uun waqti lumis ah.
Sheekh Cumar C/qaadir oo la hadlay Idaacada Kulmiye, ayaa carab dhabay in dadku ay daal iyo qadyaan ka jooggaan Madaxda Dowladda, iyadoo uu ku dhaliilay inaanay horu-socod lahayn, dib u dhac mooyee.
Tan iyo markii uu dalka xaalad mugdi ah galay tobonaan sano ka hor, ayuu sheegay in dadka Somaliyeed ay waqtigan ku jiraan marxaladdii ugu rajo xumeyd oo soo marta, markii ay dhamaatay sida uu sheegay rajadii laga qabay in marxalad wanaagsan uu dalku geli doono.
Sheekh Cumar waxa uu meesha ka saaray inay la shaqaynayaan Dowladda Somaliya, illaa iyo inta uu jiro Maamul xumo uu ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliya