Nala soo xiriir

Wararka

Maamulka ahlusuna ee gobalada dhexe ayaa ka soo hor jeestay shirka wada tashiga ee muqdisho ka socda

La Qoray

on

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe dalka Somaliya ayaa waxa ay qaadaceen shirka ka soconaayo Magaalada Muqdisho ee looga tashanaayo Marxalada Siyaasadeed ee sanadka 2016-ka looga gudbaayo Siyaasada dalka Somaliya.

Cali Baashi Faarax Cali Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna, ayaa sheegay shirkaasi inuu yahay mid aanan loo dhameyn xilligan, islamarkaana ay isugu tageen dad gaar ah.

Cali Baashi oo Saxaafadda Dhuusamareeb kula hadlay ayaa aqriyay Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, kaasi oo ku aadan mowqfika Ahlu Sunna ay ka qabto shirkaasi.

1:In Shirka Wadatashiga La sheegay in Somaliya loo qabanaayo uu ka mid noqdo Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe, hadii aan laga qaybgalin in aysan aqbali doonin natiijo waliba oo kasoo baxda.

2:Dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe Inaysan aqbali dooni xil kororsi ay loo sameynayo ama ay sameynsanayaan Xukuumadda Federalka Somaliya ee hada jirta.

3: Waxaan aaminsanahay soona jeedinaynaa in dalka intiisa badan ay ka dhici karto doorasho qof iyo codkiisa ah, lana dhameystiri karo mudada ka harsan waqtiga.

4:Waxaan Beesha caalamka u cadeynaynaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya uu qayb ka noqday dhibaatada Somaliya uusana dhex dhexaad ka aheyn arimaha Somaliya.

5: Waxaan umadda Somaliyed iyo Beesha caalamka u sheegaynaa in Madaxweynaha Somaliya uu jabiyay Dastuurkii dalka Somaliya ee ahaa in maamul Goboleed kasta uu dhisan karo labo Gobol iyo wixii ka badan iyo in dadka Goboladaasi ay iyaga xaq u leeyihiin dhismaha Maamulkooda Dowladana ay dusha ka eegto, taas oo Madaxweynaha ku bedelay shaqsiyaad uu si gaar ah u wato uu doonaayo Maamul kasta madax uga dhigo si uu 2016-ka ugu soo baxo mar kale doorashada dalka.

6: Waxaan mar kale Beesha caalamka iyo Soomaalida u sheegeynaa in Madaxweynaha Somaliya uu Gobolo nabad ah iskana xureeyay Shabaab uu ku haayo duulaan iyo guluf colaadeed, kuwii Amisom Shabaab ka xureysay laga soo saarayo ciidamadii Dowladda Somaliya si ay Shabaab mar kale u qabsadaan, looguna muujiyo Beesha caalamka dalka inaysan nabad ka jirin oo Doorasho aysan ka dhici karin.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Lafta-Gareen Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Todobaadkan Warbixin looga dhagaystay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga,Warfaafinta,Waxbarashada,iyo Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag oo ka warbixiyey Xaalada Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegey in Amniga uu yahay mid wanaagsan Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wadaan Howlgalo lagu Sugayo Amniga.

Wasiirada Wasaaraddaha Warfaafinta,Waxbarashada iyo Dastuurka ayaa sidoo kale ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaraddaha iyo Waxyaabaha uqabsoomay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gollaha Wasiiradda uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan sida ay uga goantahay sidii si Cadaalad ah ay ugu adeegi lahayeen Shacabka ku nool Deeganada Koonfur Galbeed Waxaana uu Gollaha Wasiiradda Warbixin ka siiyey Shirkii Arimaha Doorashooyinka uga qeybgalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

sii aqri

Wararka

Madaxweyne Deni oo hortagayo Baarlamaanka Puntland.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hortaga Baarlamaanka Puntland sabtida soo socto si uu ugaga warbixiyo burburka ku yimid wadahadaladii arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaannada Baarlamanka ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha kadib markii loo diray fariimo wargelin ah.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka.

Dowlada Federalka ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inay caqabad ku noqdeen hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii September 2020.

sii aqri

Wararka

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Inta U Dhexeysa Balcad Iyo Jowhar

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wararka aan ka helayno inta u dhexeysa Balcad iyo Gololeey ee Gobolka shabeellaha dhexe ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu halkaasi ka dhacay qarax khasaaro badan dhaliyay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in gaari ay la socdeen dad shacab ah ay miino kula kacday inta u dhexeysa Balcad iyo Gololeey, waxaana lasoo shegayaa in uu jiro khasaaro soo gaaray dadkaasi shacabka ah ee gaariga la socday.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ka amba-baxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana uu kusii jeeday Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegay in Qarax uu qabsaday gaariga, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac u gaystay dadkii Rakaabka ahaa.

Wali lama oga tirada dhimashada iyo dhaawaca, balse dadka degaanka ayaa soo sheegaya in uu jiro khasaaro soo gaaray dadkii shacabka ahaa, waxaana wararka qaar ay tilmamayaan in afar qof oo kaliya ay ka bad-baadeen qaraxa, kuwaasi oo dhaawac ah.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka2 days ago

Lafta-Gareen Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Wararka2 days ago

Madaxweyne Deni oo hortagayo Baarlamaanka Puntland.

News In English2 days ago

President Farmajo signs two-year extension approved by Parliament.

Wararka3 days ago

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Inta U Dhexeysa Balcad Iyo Jowhar

Wararka3 days ago

Tallaalka SINOPHARM Ee COVID-19 Oo si Rasmi ah Maaanta Loogu Daah furtay Muqdisho.

Wararka3 days ago

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga muddo kordhinta ee Baarlamaanka ansixiyeen.

Wararka3 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Saadaq Joon Ka Xayuubiyay Dhammaan Darajadii Ciidan.

Wararka3 days ago

Madasha Badbaado Qaran Oo Shaacisay Inay Qaadeyso Tallaabo Lagu Joojinayo Muddo Kordhinta.

News In English3 weeks ago

Somali Police Chief Meets British Ambassador To Somalia.

Wararka3 weeks ago

Shirkii Baarlamaanka Maanta Oo Fowdo ku Soo Dhamaaday.

Wararka3 weeks ago

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Goor Dhow U Furmay Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Tallaalka Covid19 Oo Kabilaawaday Maamulka Puntland.

Wararka3 weeks ago

Dowladda Ingiriiska Oo Ka Digtay Doorasho Hal Dhinac Iyo Muddo Kororsi

Wararka3 weeks ago

AMISOM Oo Ka Guuray Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelada Hoose(SAWIRRO)

Wararka3 weeks ago

Wasiirkii Amniga Jubaland oo lagu soo Dhaweeyay Degmada Beled-Xaawo.

Wararka3 weeks ago

Beesha Caalamka Oo Shaacisay In Aysan Taageeri Doonin Doorasho Hal Dhinac Ah.

Wararka3 weeks ago

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Gaari Ay Saarnaayen Dad Shacab Ah

Wararka3 weeks ago

Qodobada ay Ku Heshiiyeen Cabdirashiid Janan & Dowladda Soomaaliya oo la Doo Bandhigay

Wararka3 weeks ago

Wafdi Wasiiro Ah Oo Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray Doolow.

Wararka3 weeks ago

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliyeed oo ku sii jeeda Gedo

Wararka3 weeks ago

Cabdirashiid Janan Oo Xaqiijiyay in uu la Heshiiyay Dowladda Soomaaliya.

Wararka3 weeks ago

Weerar Askar lagu Dilay oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka3 weeks ago

Midowga Yurub Oo Farriin u Diray Hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco