Maamulka Galmudug ayaa maamul KMG ah u magacaabay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Galgaduud, kaasoo noqonaya maamulkii u horeeyay ee heer degmo oo ay soo magacawdo, tan iyo markii Maamulka Galmudug lagu dhisay Cadaado.
Munaasabad xalay lagu qabtay degmada Caabudwaaq kana qeybgaleen madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Wasiirro maamulkaasi ka mid ah, Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa lagu shaaciyay maamulkan cusub.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Galmudug Jaamac Xasan Salaad ayaa munaasabadda ka akhriyay warqaddii magacaabista, waxaana gudoomiye loo magacaabay Mahad Cumar Cilmi.
Maamulkan ayaa ka kooban 14 xubnood, waxay shaqeyn doonaan muddo 90 cisho ah ama Seddax Bil, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa maamul aan KMG ahayn.
Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo madasha ka hadlay ayaa rajo ka muujiyay in maamulkaan cusub uu noqdo midkii amniga iyo kala dambeynta degmada soo celiya, kana hirgeliya doorasho dhacda mudadaasi.
Magacaabista taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Caabudwaaq iyo saraakiisha amniga ayaa dib loo dhigay, iyadoo madaxdii halkaasi ku sugneyd ay kula dardaarmeen shacabka Caabudwaaq inay la shaqeeyaan maamulkaan cusub.
Dhanka kale, wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta u ambabaxay degmada Balanballe ee gobalka Galgaduud.
Madaxweyne ku-xigeenka oo socdaalkiia ka hadlay ayaa sheegay inay maamul usoo sameyn doonaan degmada Balanballe maalmaha ay joogaan isla markaana maamulkaasi ka imaan doona la-tashiyo iyo kulamo ay la yeelanayana bulshada degmadaasi ku dhaqan.
Si kastaba ha ahaatee Maamulka Galmudug ayaa wada howlo baaxad weyn oo maamul loogu dhisayo degmooyinka ka tirsan maamulkaasi, waxaana arrintaasi aad usoo dhaweeyay bulshada reer Galmudug.






