Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa uu Dowladda Somaliya uu ku eedeeyay inaysan gacan ka gaysan dagaalka, ay Xoogaga Ururka Al Shabaab kaga saareen qaybo ka mid ah Deegaanada Bariga Gobolka Mudug.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in Dowladda Somaliya iyo Beesha Caalamkaba Galmudug aanay Galmudug ugu soo gurman, si lamid ah gacanta ay Maamul Goboleedyada ka siinayaan la dagaalanka Al Shabaab.
Madaxweynaha, ayaa wuxuu ku faanay in Deegaanada Galmudug ay ku difaacayaan awoodda Maamulkiisa iyo taageerada ay ka hellaan dadka reer Galmudug.
Dhanka kale C/kariin Xuseen Guuleed oo Talaadadii shir jaraa’id ku qabtay Deegaanka Bud Bud, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo ajaaniib ah, kuwaa oo sida uu sheegay ka barbar dagaalamaayay firxadkii Shabaabka, ee toddobaadkii hore dagaalka looga soo saaray Puntland.
Guuleed, ayaan kala cadayn dalalka ay u dhasheen xoogagaasi shisheeye, inkastoo sida uu sheegay ay yihiin dagaal-yahano Afrikaan ah, isla-markaana ay baarayaan heybtooda.
Eedeymaha uu Guuleed u soo jeediyay Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo ay yihiin laba nin oo saaxiibo dhow ah.