Khaliif Cabdi Cumar Gudoomiye xigeynka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaalka dhiiga badani ku daadatay ee ka dhacay shalay Magaalada Baladweyne,waxa uuna ugu Baaqay Dhinacyada ku dagaalamay Xaafadda Howl wadaag ee Galbeedka Magaaladaasi in si Deg deg ah Dagaalka u joojiyaan.
”Waxa aad ugu xumahay in Magalada ay ku dagaalamaan Beelo Walaalo ah,Horey ayaa loo hishiiyey in Colaad iyo Barakac markale la soo celiyo ma fiicneyn,Waxaa ku baaqayaa in si Shuruud la’aan ah Dagaalka loo joojiyo,Waxaan u sheegayaa inaan dagaalku xal aheyn , mana jiro qof colaada ku Guulaysanaya , waana kuu dhimay kaa dhimay” ayuu yiri Gudoomiye Khaliif.
Khaliif Cabdi Cumar Gudoomiye xigeynka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa Hogaanka dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka ugu Baaqay in ay ka qeybgalaan sidii loo dhameyn lahaa dagaalada ka dhacay Magaalada Baladweyn,oo dib u dhac u keenay Gobolka,waxa uuna madaxda Dowladda ugu Baaqay in si Deg deg ah wax ugu qabtaan Dagaalada ka soo cusboonaaday Baladweyne.
”Madaxweyne Dowladda Federaalka,Ra’iisal Wasaaraha Dalka,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha waa in ay soo faragaliyaan Dagaalka Baladweyne,Maanta waxaa la joogaa in loo istaago Joojinta Dagaalkaan soo laablaabtay,Madaxda waa in ay Xil gaar ah iska saarto,Horey ayee u dhaceen Dagaaladan oo kale haddane wey soo noqdeen,Taa waxa ay Ceeb ku tahay Madaxda Dalka Waajibka saaran waa in ay si Hufan u gutaan”ayuu yiri Gudoomiye Khaliif.
Xaafadda Howl-Wadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne waxaa shalay a ka dhacay Dagaal u dhaxeeyo Beelo Walaalo ah oo horey u dhexmartay Aanooyin ku saleysan Qabiil taasoo keentay shalay in Dagaal aan la filaneyn ka Qarxa Magaalada,waxaana ku dhintay inta la ogyahay 15 iyadoo 35 qofna ay ku dhaawacmeen.