Maamulka Jubbaland, ayaa xalay toogtay Sarkaal Ciidan, xilli lagu helay inuu fududeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee shalay lagu qaaday Xarunta Jaamacadda Kismaayo, balse hadda ah dugsi lagu tababaro Ciidamada Jubbaland.
Ninka la toogtay, ayaa lagu magacaabi jiray Cali Sankuus, waxaana si weyn looga yaqaanaa Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Ee Magaalada Kismaayo. Sarkaalkaasi waxa uu xilligan ka tirsanaa Saraakiisha Jubbaland ee tababarka siisa Ciidamada.
Cali Sankuus iyo nin kaloo lagu magacaabo Maxamed Dheere, ayaa labaduba la sheegay inay xerada soo geliyen gaarigii weerarka ismiidaaminta loo adeegsaday, gacantana lagu dhigay, xilli ay xerada ka sii bixi rabeen, laba daqiiqo ka dib markii uu qaraxu dhacay.
Maxamed Dheere, ayaan faah faahin sax ah laga hayn in la toogtay iyo in kale. Laakiin ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in Sankuus lagu toogtay Xarunta K2, oo ay fariisimo ku lee yihiin Ciidamada Jubbaland.
Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaaya in halmar la wada toogtay Maxamed Dheere iyo Cali Sankuus, inkastoo ehelada Sankuus sheegeen inay maqleen toogasho Sankuus oo keliya.
Taliyaha Xerada Jaamacadda Kismaayo, Korneyl Cabdi Ibraahim Cabdi (Cabdi Yare), ayaa Sabtidii sheegay weerarkaasi in loo soo xiray laba nin, oo sida uu sheegay ka soo shaqeeyay fududaynta weerarkaasi.
Maamulka Jubbaland, ayaa u muuqdo mid si dhaqsi leh meesha uga saaray raadadkii iyo cadaymihii ku aadanaa weerarkaasi, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay sheegay in baaritaan lagu samaynaayo cidii ka dambeysay weerarkaasi.