Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya, ay joojisay dhismaha derbigii ay ka waday xuduuda, ay la wadaagto dalka Somaliya.
Madaxweyne Ku Xigeenka 2-aad Jubbaland, C/qaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere) oo ku sugan Magaalada Nairobi, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Jubbaland ay Kenya kala hadashay dhismaha derbigaasi.
“Madaxweynaha Jubbaland wuxuu arrintaasi kala hadlay Dowladda Kenya. Arrintaasi waala joojiyay, wada hadalo ayaana laga yeelanayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku Xigeenka 2-aad Jubbaland.
Waxa uu sheegay in Jubbaland ay ka wakiil tahay Dowladda Somaliya, isla-markaana ay arrinta derbiga si wada jir ah ugala wada hadleen Dowladda Kenya.
“Jubbaland waxay ka wakiil tahay Dowladda Somaliya. Jubbaland iyo Dowladda Somaliyana si wada jir ah ayay arrintaasi kaga wada hadleen Kenya.” Ayuu yiri C/qaadir Xaaji Maxamed.
Luga-dheere oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa carab dhabay inaysan ogolaan doonin in Kenya, ay qaadato taako ka mid ah dhulka Somaliya. Wuxuuna yiri “Taako ka mid ah dhulkeena uma ogolin inay Kenya qaadato.”
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka hadlay arrinta ku aadan dhul boobka ay ku hayso dhulka Somaliya, ayaa sheegay inaysan Kenya wax damac ah kaga jirin xitaa taako ka mid ah dhulka Somaliya.
“Dadka Somaliyeed waxaan u xaqiijinayaa in qaswadayaasha ay si wada jir ah inoo dhaawacayaan. Waxaan kaloo idin cadeynayaa inaysan Kenya wax dan ah ka lahayn Somaliya, xitaa taako ka mid ah dhulka Somaliya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.