Ciidamada Ammaanka Maamulka Galmudug, ayaa bilaabay howlgal lagula dagaalamayo Dadka wata hubka sharcidarada ah ee ku sugan deeganada Maamulka Galmudug.
Howlgalkaan ayaa ka biloowday Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug, waxaana fulinaya ciidamada Booliska Galmudug iyo sidoo kale ciidamada Nabad Suggida Dowladda Federaalka Somalia ee Magaaladaasi ku sugan.
C/raxmaan Tootoole, oo ka mid ah Guddiga Amniga Maamulka Galmudug, ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay howlgalkaan inuu yahay mid ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena looga hortagaayo suurtagalnimada falalka ka dhalan kara dadka hubka sharcidarada ah wata.
Waxa uu sheegay ciidamada inay qabanayaan dadka qoryaha wata, sidoo kalena Magaalada Cadaado gudaheeda iyo deeganada Galmudug aanan lagu arki karin Askari qori wata oo si sharcidaro ama isaga oo aanan shaqo laheyn ku dhex socda Magaalada.
Taliyaha ciidamada Booliska Galmudug Xuseen Cumar Muumin, ayaa dhankiisa sheegay ammaanka deeganada Maamulka Galmudug inuu yahay mid wanaagsan, dadka hubka watana laga hortagaayo.
Taliyaha waxa uu sheegay qofkii shacab ee qori wata inuu guriga dhigto qorigiisa oo uusan Magaalada lasoo aadin, halka ciidamadana uu faray Askarigii aanan shaqo laheyn inuu Xeradiisa qoriga uga soot ago.
Guddiga Amniga Galmudug ee shaqo bilaabay, ayaa horay waxaa ugu dhawaaqay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maalmo kadib markii la doortay ku dhawaaqay Guddigaan.