Maamulka Puntland, ayaa waxa uu galabta gubay qaad ka soo degay Garoonka Ushaka, oo bishii hore uu Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed uu ka furay Koonfurta Magaalada Galkacyo.
Ganacsade reer Puntland ah oo qayb ka mid ah qaadkaasi kala soo degay Garoonka Ushaka, ayaa waxa uu u iib geeyay Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal, halkaasoo uu Maamulka Nugaal uu ku gubay.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Cumar Fara-weyne, ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in Puntland loo iib keeno agabyo lagala soo degay Garoonka Ushaka, oo Maamulka Galmudug uu gacanta ku haayo.
Gudoomiyaha, ayaa ku hanjabay in ay gubi doonaan agabyada ay ganacsatada kala soo degto Garoonkaasi, haddii la keeno deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.
Fara-weyne waxa uu ganacsatada reer Puntland uu kaga digay in ay qaad dambe amaba agabyo kale kala soo deggaan Garoonka Ushaka, isagoona sababta ku sheegay ammaanka Garoonkaasi oo aan la’isku halleen karin, sida uu yiri.
Puntland, ayaa daba yaaqadii bishii hore ee October waxay deegaanadeeda ka mamnuucday diyaaradda Star Som, ka dib markii ay Garoonka Ushaka ka dejisay xubno uu horkacaayay Madaxweyne Guuleed.
Maamulka Galmudug, ayaan ka hadlin tallaabada ay Puntland ku gubtay qaadka lagala soo degay Garoonka Ushaka, ha yeeshee waxaa la dhihi karaa waa mid uun sare u sii qaadeysa xiisadda labada dhinac.