Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in maanta uu si rasmi ihi u furman doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo saddex cisho uu dib kaga dhacay, xilligii la qorsheeyay in uu ka bilowdo Magaalada Kismaayo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), ayaa xaqiijiyay In maanta uu si rasmi ihi uu shirka kaga furmi doono Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa hoosta ka xariiqay in Kismaayo ay ku sugan yihiin dhinacyada Somalida, ee uu khuseeyo shirka. Kismaayo waxaa isugu tagey Madaxda Dowladda Somaliya, Maamul Goboleedyada, xubno ka socda ururada bulshada rayidka iyo wakiilada beesha caalamka.
Dhinacyada Somalida ee ka qaybgaleysa shirkan, ayaa waxay isla gorfayn doonaan noocii ay noqon laheyd qaabka lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee lagu wado inay bedelaan Baarlamaanka iminka jira.
Waxaa hadda miiska saaran in Xildhibaanada lagu soo xulo hannaanka beelaha ee 4.5 iyo in lagu soo xulo qaab deegaan ahaan. Masuuliyiinta Somalida ayaa ku kala aragti duwan amuurahaasi.
Boqolaal askari, ayaa waxaa maanta lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Kismaayo, waxaana la xiray wadooyinka muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Magaalada.