Nala soo xiriir

Wararka

Madasha wada tashiga qaranka waxaa is kale dhamaan umada soomaaliyeed

La Qoray

on

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ee uu ka jeediyay furitaanka shirka madasha wadatashiga Doorashooyinka 2016 ee ka furmay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo badan oo aad u muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in madashaan ay tahay mid ay leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna matalayaan xubnaha shirsan.

Waxaa uu sheegay in saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay dowladiisu u howl gashay fulinta Hiigsiga cusub ee 2016-ka, arrimo badanna ay u qabsoomeen.

“Mudadii Saddaxda Sano ahayd ee lasoo dhaafay waxaan u howlgalnay Fulinta Hiigsiga 2016-ka, oo ka kooban Seddax tiir oo waaweyn muhiimna ah, Tiirka 1-aad ayaa ah dhismaha Nidaam Federaal ah oo dalka uu yeesho, maanta waxaa inoo dhisan dowlad gobaleedyo matala shacabka intiisa badan, halkaan ayeeyna joogaan, golahaan ayeey fadhiyaan, iyaga oo matalaya shacabkii doortay oo ay wakiilka ka ahaayeen, waxaan rajeynayaa in inta hartayna la dhameystiri doono sida ugu dhaqsiyaha badan oo aan wada tashigaan intaanu dhamaan sanadka dhamaadkiisa iyaguna ay nagu soo biiri doonaan hadii uu Alle Idmo, tiirkaas ka tirsan 2016 meel wanaagsan ayuu soo gaaray, wixii dhameystirkiisa ahna si qurxoon ayeey u dhameystirmi doonaan”

“Tiirka Labaad waxa uu ahaa dib u eegista Dastuurka Federaalka ah oo howshiisa ay socoto, iyadana howshiisa si lixaad leh ayeey u socoto, goor dhawna golaha shacabka iyo dadweynaha billaabi doonaan doodo dib loogu eegayo qeybaha kala duwan ee Dastuurka, maanta wey inoo wada dhisan yihiin hay’adihii inoo wada fulin lahaa howlaha dib u eegista Dastuurka, ee uu tilmaamayay Dastuurkeenii KMG ee maanta jira, waxa noo dhiman waxay tahay inaan boorkana ka qaadno dibna u xaab xaabinno si aan u helno Dastuur dib loo eegay, dadka Soomaaliyeedna danahooda u taagan oo u adeegaya, dhawaan waxaan rajeyneynaa arrintaan in meel fiican oo gunaanad ah soo gaari doonto”

“Tiirka Seddaxaad waxa waaye kan Dimuqraadiyeenta dalka, dalka Soomaaliya waayo dhib badan iyo qaab dowladeed oo dhib badan ayuu taarikhiyan horay usoo maray, meelo badan waxbaa naga murgacaday, si aanay waayo aragnimadaasi oo kale usoo noqon dalka waa in mabaadi dimuqraadi ah iyo dhaqanka dimuqraadiga ah ee aduunyadu taqaano inaan ku dhaqanno oo raacno weeye tiirka Seddaxaad, howsha dimuqraadiyadda dalka iyo doorashooyinka 2016 maanta waxa aynu fadhinno daahfurka wada tashigeeda, arrintaas dimuqraadiyadda waxaa ugu horeeya in dadka ay doortaan dadka matalaya, waqtina ay siiyaan iyo Mandate, marka uu ka dhamaadana mar kale dadka talo loogu noqdo oo la weydiiyo, Soomaaliya muddo fog ayaa ugu dambeysay doorasho inay ka dhacdo, waxaan rabnaa in hadda ay ka dhacdo midda suurta galka ah oo aan isku wada raacsannahay una aragno in danta Soomaaliya ka jawaabayso” ayu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in howlaha hiigsiga 2016-ka ay barbar socotay arrimo badan oo ay ka mid tahay dib u hesiishiin iyo ka shaqeynta amniga.

“Howlaha Hiigsiga 2016, waxaa garab socday sugidda amniga, xureynta deegaanada, dib u dhiska Hay’adaha dowladda, dhismaha ciidamada qalabka sida, dib u heshiisiinta, dib usoo celinta adeegyada bulshada iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, ulajeedadiidu maanta ma ahan inaan faah faahiyo wax qabadkii mudadii lasoo dhaafay, laakiin in aan si guud u dul marno weeye, waxaynu hiigsanay 2016-ka inaan gaarno doorasho, waxaanu hiigsaneynay in 2016-ka aynu gaarno doorasho Hal qof iyo Hal cod ah, laakiin waxaan dhammaanteen isla garwaaqsannay in daruufaheena maanta inoo saamaxayn gaaridda yoolkaasi, hadaba hadii aynu gaari karin sidaas aan jecleen waa inaan sameynaa sida inala gudboon maanta oo aan sameyn karno, Soomaalida waxay ku maahmaahdaa, Salaad sida ay kugu qabato ayaa loo tukadaa, dulucda hadalka aan ka leeyahay waxay tahay inaan ka tashanno maxaa inoo suurta gal ah, innaga oo maanka ku wada hayna inaynu ilaalsanno wixii inoo qabsoomay ee ahaa kalsoonida dadkeena ka dhaxeysa amniga iyo nabadda soo noqotay inaan iyadana ilaalinno, hay’adaha qaran iyo maamullada inoo dhismay iyaguna inaan ilaalinno, hadii ay ahayd in hal qof iyo hal cod aan gaarno oo daruufo jiro awgood aan gaari weyno waan iska dhaafnay doorasho iyo sheekadeed miyaan leenahay, mise hadba sida ay inoogu qabsoomi karto iyo waxa suurta galka ah ayaan qabaneynaa, waana midda aan maanta u fadhinno inaan ka wada tashanno, hadii aan dib usii eegno oo aan ka wada tashanno xal baa imaanaya, wadaashiga waa billaw maanta, wax walbana maanta in ay ku dhamaadaan marna uljeedaduuna ma ahan” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in xilligaan aan haatan la haysan waqti badan, loona baahan yahay in laga faa’ideysto waqti dhiman, laguna dhumin is qabqabsi ama fara isku taag.

“Waxaan rabaa inaan walaalaha Soomaaliyeed u sheego, waqtiga aad ayuu noogu yar yahay, mahaysanno waqti badan, qof waa ku doodi karaa waqti badan ayaan soo dayacnay, fursado badan ayaan soo dhuminay, laakiin walaalkaas ama walaashaas waxaan leenahay maanta mid kale yaanan dhumin, muran, dood, is qabqabsi, iyo fara isku fiiq yaan maanta mar kale ku dhumin in waqtiga uu hadana na seego, waxaan jeclahay inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in ay iyadu tahay cidda tashanaysa, go’aankana gaaraysa, waa lasoo dhaafay xilliyadii qaraaraa ee taladeenu dibadda noogaga imaan jirtay, amma dibadda aan u doonan jirnay, maanta waxaan ku tashaneynaa dalka gudahiisa, waxaa tashanayana waa Soomaali, waxa barnaamijyada sameysanaya qaabka loo tashanayo sameysanayana waa Soomaali”

“Wey mahadsanyihiin saaxiibadeena caalamiga ah ee mar walba nala garab taagan taageerada farsamo, midda maaliyeed iyo tan tashkiilaadda ah sidaan wax u qabsan lahayn, aad iyo aad ayaan uga mahad celinaynaa, laakiin dadka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan, maanta tacabka inuu iyaga u go’an yahay howshana iyaga laga rabo” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ballan qaaday hadii ay yihiin hogaanka dalka inay ku dhaqaaqaan fulinta wax walba oo kasoo baxa madasha shirsan.

“Hadii aynu nahay hogaanka dalka, waxaanu ballan qaadeynaa fulinta talooyinka lagu soo gaaro madashaan, wax walba oo madashaan kasoo baxaan waa talo Soomaaliyeed, hogaankuna waa ku qasban yahay inuu raaco taladaasi, hadii aanan rabin, garwaaqsanayn, ballan qaadi karayn markii horeba ma aanay fududeyn lahayn madashaan in la’isugu yimaado”
Madaxeynaha ayaa ka codsay dhammaan xubnaha ka qeybgalaya shirkaan in waxyaabaha aan madasha la xiriirin ee aan madashaasi ahayn in aan halkaasi looga hadlin, oo meelaha kale ee ay leeyihiin looga hadlo.

Shirka madasha wadatashiga doorashada 2016 ee maanta ka furmar magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalaya madaxda sare ee dowladda Federaalka, madaxda maamul gobaleedyada, xubno ka socda gobalada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Gobalka Banaadir iyo xubno matalaya ururada bulshada.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Booliska Soomaaliya Oo Bandow Kusoo Rogay Magaalada Muqdisho

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Bandow lagu soo rogay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo socon doona inta doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ka dhammaaneyso.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir Jaraa’id goor dhow u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho uu bilaabanayo Caawa saacada markii ay tahay 09:00 PM, kuna egyahay maalinta Isniinta 06:00 Arroornimo.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in gebi ahaan la joojinayo isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Muqdisho, isla markaana la xirayo dhammaan waddooyinka Magaalada iyo Suuqyada dadka ka adeegtaan ilaa laga gaaro maalinta Isniinta  oo ay taariikhdu tahay 16-ka May..

Sidoo kale Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa caddeeyay in xitaa la joojin doono socodka lugta ee dadweynaha, isagoona shacabka kunool Caasimadda Muqdisho ugu baaqay inay goor hore soo adeegtaan oo waxa ay u baahan yihiin ka qaatan Suuqyada.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska dolwadda Soomaaliya ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in xaaladdo Caafimaad oo Deg-deg ah haddii lasoo deristo shacabka inay la soo xiriiraan Taliska Booliska dowladda.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berry oo Axad ah ay ka qabsoonto Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee doorashada dalka.

sii aqri

Wararka

Wararkii ugu Dambeeyay ee Xaaladda Dhuusamareeb.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug ayaa degan ka dib markii shalay ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhaxeeyay Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay ku guuleysteen ilaa iyo xalay in ay ka saaraan Ahlusunna deegaanada u dhow magaalada halkaasi oo ay ka dagaallameen shalay galinkii dambe.

Boqolaal qoys oo habeen hore ka qaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda qorsheynaya in ay dib ugu soo laabtaan magaalada oo ay ka maqnaayeen ku dhawaad 24 saac.

Ahlusunna wali wax war kama soo saarin duulaanka ay ku qaaday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ee shalay balse looga itaal roonday sida Galmudug ay sheegtay.

Dhammaadkii bishii October 2021 ayaa xooggaga Ahlu Sunna waxaa laga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro baahsan.

sii aqri

Wararka

Guddiga Doorashada Oo Soo Saaray Farriin Ku Socota Dhammaan Musharaxiinta Madaxweynaha

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddiga isku dhafka labada Aqal ee doorashada Madaxweynaha ayaa Goor dhow soo saaray farriin ku socota dhammaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha 10-aad e Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa Musharaxiinta looga dalbaday inay kasoo Jawaaban Codsiga Guddiga ee ah in Musharrax kasta Madaxweyne uu Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka doorashada.

Guddiga ayaa tilmaamay in Musharaxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay aysan suuragal noqon doonin inuu howlka doorashada soo galo qof la socda, waxaana Musharaxiinta laga Codsaday ugu dambeyn inay magacyada soo gudbiyaan 12:30 Duhurnimo ee maanta.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Axad ah ay ka qabsoonto Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni, waxaana xilka Madaxweynaha u tartamaya 39 Musharax, iyada oo ay socdaan ololihii ugu dambeeyay ee doorashada dalka.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka5 days ago

Booliska Soomaaliya Oo Bandow Kusoo Rogay Magaalada Muqdisho

Wararka5 days ago

Wararkii ugu Dambeeyay ee Xaaladda Dhuusamareeb.

Wararka5 days ago

Guddiga Doorashada Oo Soo Saaray Farriin Ku Socota Dhammaan Musharaxiinta Madaxweynaha

Wararka1 week ago

Booliska Oo Shaaciyay Cida Lala Beegsaday Qaraxii Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay

Wararka1 week ago

Faah Faahin: Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Wadada Aada Garoonka Aadan Cadde

Wararka1 week ago

Hadal-Jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Dalka Oo Maanta Bilaabaneysa

Wararka1 week ago

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kormeer Deg Deg ah Ku Tegay Hoolka Doorashada Afisooni.

Wararka1 week ago

Beesha Caalamka Oo Taageertay Go’aankii Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dalka

Wararka1 week ago

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geyneysa Degaannada Galmudug.

Wararka1 week ago

Ciidanka Jubbaland Iyo Kuwa DANAB Oo Weerar Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan J/Hoose.

Wararka1 week ago

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Maanta Lasoo Gaba-Gabeynayo.

Wararka1 week ago

Farmaajo Oo Qaatay Shahaadada Musharaxnimo Ee Xilka Madaxweynaha.

Wararka2 weeks ago

Diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta bilaabaneysa

Wararka2 weeks ago

Guddoomiye Aadan Madoobe Iyo James Swan Oo Ka Shiray Dhameystirka Doorashada.

Wararka2 weeks ago

Golaha Ammaanka ee QM oo si adag uga hadlay weerarkii Ceelbaraf.

Wararka2 weeks ago

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo Taliyeyaasha Ciidamada Kala Hadlay Amniga Doorashada

Wararka2 weeks ago

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Kulan La Qaatay Safiirka Imaaraadka.

Wararka2 weeks ago

Ciidanka Xoogga Oo Isku Furay Waddooyin Ay Al-Shabaab Go’doomiyeen Sannado Badan

Wararka4 weeks ago

Jubbaland Oo Maanta Doorashada Golaha Shacabka Kusoo Gaba-Gabeeysay Ceelwaaq

Wararka4 weeks ago

Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland oo Gaaray Ceelwaaq

Wararka4 weeks ago

Hadal jeedinta Musharaxiinta u Taagan Guddoonka Aqalka Sare oo Maanta Bilaabanaysa.

Wararka4 weeks ago

Farmaajo Oo Amar Siiyey Ciidamada Ammaanka Dowladda.

Wararka4 weeks ago

Dawladda Soomaaliya oo Faahfaahisay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Liido.

Wararka6 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka6 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka6 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English7 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Dhegeysi1 year ago

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Daalaco