Nala soo xiriir

Video

madax weenihii hore somaliya oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble & kiiska Ikraan Tahliil.

La Qoray

on

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil ee sababay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xaaladda siyaasadeed ee xilligaan dalka.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Qoyska Ikraan Tahiil, waxaana uu sheegay in arrinta ku dhacday ay tahay mas’uuliyad darro weyn oo dalka ka dhacday.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in saraakiisha Hay’adaha amniga ay helaan amni buuxa, waxaana uu dalbaday in Cadaaladda la horkeeno dadka lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan dilka Ikraan Tahiil, isaga oo u mahad celiyay Shacabka Soomaaliyeed oo garab istaag u muujiyay Qoyska Ikraan Tahliil.

Sheekh Shariif oo sii hadlayay ayaa sheegay in kiska Ikraan Tahliil uu ka dhashay khilaaf u dhaxeeya Madaxeynaha & Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena ay sababtay wadashaqeyn la’aan ka dhaxeyso Hay’adaha Amniga, waxaana Sheekh Sheekh uu si cad u sheegay in aan la aqbali karin in qofwalba sharciga dalka sida uu rabo ka yeesho

” Khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan oo keenay in hay’adaha amniga wadashaqeyneyn  waayaan waa wax aad looga xumaado, waayo waxaa meesha ka baxeeysa dowladnimada mudada la soo waday, mana aqbaleyno in qof walba wixii uu doono in uu iska sameeyo ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowladda uu niyad jebinaayo Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha taageera, sidoo kalena uu caqabad ku yahay qabsoomida doorashada, waxaana Madaxda Sare uu ugu baaqay in khilaafkooda ay si nabad ah ku xaliyaan, isla markaana dhankooda ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.

 

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Video

Madaxweynahii Hore Ee Somaliya oo Shacabka Somaliyeed ugu Hambalyeeyay munaasabadda xuska 1da Luulyo

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynihii Hore Ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Umadda somaliyeed ugu Hambalyeeyay munaasabadda 61 sano guurada ka soo wareegtay markii uu dalkeena xurriyadda qaatay. Wuxuuna shacabka somaliyeed ugu baaqayaa adkeynta midnimada
wuxuuna sheegay inwaxa na mideynayo ay ka badan yihiin waxa na qeybin kara. 

sii aqri

Muuqaalo

Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Ayaa Ka warbixiyey Shaqaadadii Ka Dhacday Wadada Maxkamada Gobalka Banaadir(Daawo)

La Qoray

on

Waxaa Qoray

sii aqri

Muuqaalo

Waqooyiga gaalgacyo ayaa waxaa ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Puntland iyo rag hubaysan.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Puntland iyo rag hubaysan.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ragga hubaysan ay diideen inay ka tagaan dhul la sheegay inuu ka mid yahay Dhulka Dowladda, kaasi oo Maamulka Puntland uu ku amray inay ka baxaan dadkii ku sugnaa.

Goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa waxa ay ku dhaw dhahay agagaarka Iskuulka Caymiska ee Waqooyiga Gaalkacyo ku yaallo, wuxuuna dagaalka salka ku haayaa Garaash la sheegay inay leedahay Dowladda oo ay ka bixi waayeen dadkii haystay.

Hal ruux oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa halkaasi ku dhintay, halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo maraayay goobta dagaalka uu ka dhacay.

Labo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa la soo wariyay inay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi iyo arday mareysay goobta dagaalka uu ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray goobta, waxaana wararka ay sheegayaan raggii hubaysnaa inay ku sugan yihiin meel aanan ka fogeyn halka ciidanka ay joogaan.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland weli kama aysan hadlin dhacdadaan saaka ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa horay ugu amray dadka Gaalkacyo ku sugan ee ku nool guryihii Dowladii hore inay halkaasi deg deg uga baxaan.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka21 hours ago

Dil ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararka23 hours ago

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal kafuliyeyb shabeelada hoose

Wararka24 hours ago

Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan Laqaatay Safiirka Itoobiya U Fadhiga Soomaaliya.

Wararka1 day ago

Garoonka diyaaradaha Buulo-burte Oo Burbur Xoogle Soo Gaaray(Sawirro).

Wararka1 day ago

Booliska Canada Oo Dad U Sooqabay Dilkii Muwaadin Soomaaliyeed.

Wararka1 day ago

Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidanka Kenya Ee Kusugan Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka1 day ago

Maamulka Puntland Oo Sheegatay in Khilaafka Farmaajo iyo Rooble lagu Xalindino Garoowe.

Wararka4 days ago

Maamulka Magaalada Marka & Taliska AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

Wararka4 days ago

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

Wararka4 days ago

Iska Horimaad Saakay Ka Dhacay Degmada Hodan.

Wararka5 days ago

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Oo Laga Dalbaday Soo Gudbinta Liiska Xildhibaanada Aqalka Sare.

Wararka5 days ago

Rooble Oo Kulan Laqaatay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub.

Wararka5 days ago

Guddoomiye Barlamaanka Oo Maanta kulan la Qaatay Safiirka cusub ee Sweden.

Wararka5 days ago

Maalintii Labaad Oo Lagu Wada in Ay Ka Qabsoonto Doorshada Magaalada Jowhar.

Wararka5 days ago

Turkiga Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqisho.

Wararka5 days ago

Rooble Oo Ka Jawaabay Gudigii Uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka5 days ago

Muuse Suudi Oo Mar Kale loo Doortay Senator Aqalka Sare Ee Hirshabeele Matala.

Wararka6 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Waraaqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Sweden(Sawirro).

Wararka6 days ago

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Oo Maanta Ka Bilaawanaysa Magaalada Jowhar.

Wararka6 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Gudi U Magacaabay Kiiskii Ikraan Tahliil.

Wararka1 week ago

Maxamed Xuseen Rooble Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday QM

Wararka1 week ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Ka Socdo Qaramada Midoobey.

Wararka1 week ago

Ciidanka Xooga Dalka Ee DANAB Oo Degaano kala Wareegay Al-Shabaab.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco