Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in la qaban doono shir wada tashi, oo sida ay sheegeen 20-ka bishan ka furmi doono Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku dhawaaqay shirka wada tashi oo loo dhan yahay in toddobaadka soo socdo uu ka qabsoomi doono Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa sheegay shirkaasi inay ka qaybgeli doonaan dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada, loogana hadli doono dhabihii Somaliya lagu jihayn lahaa, kolka la gaaro sanadka 2016.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa isna hadalka Madaxweynaha ku xoojiyay in laga gudbay wixii khilaaf iyo kala aragti duwanaansho ahaa, ee u dhaxeeyay Dowladda Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.
Tani, ayaa ka dambeysay kulamo aan loo kala kicin oo xalay illaa maanta ka soconaayay Magaalada Kismaayo, oo Sabtidii ay Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, ay kaga qaybgaleen caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa isagu xalay diiday in uu hor fariisto Madaxda Dowladda, ka dib markii uu sheegay in Magaalada Kismaayo uu u yimid ka qaybgalka caleemo saarka Axmed Madoobe, balse aanu u imaan in wada xaajood uu ka galo wixii 2016 looga gudbi lahaa.
C/weli Gaas oo dhinacyada la maray, ayaa markii dambe aqbalay in Puntland ay ka qaybgasho shirka Magaalada Muqdisho, laakiin uu dalbanayo in maalmo dib loo dhigo, si Puntland go’aan kama dambeys ah kaga qaadato, waxaana markii dambe leesku raacay in shirka Muqdisho la qabto 20-ka bishan September.
Shirkan, ayaa wuxuu ujeedku ahaa in la qabto 15-kii bishii hore ee August, hase ahaatee khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood, uu dib u dhacu sababay.
Ugu dambeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, halka Ra’iisal Wasaare Sharmaarke uu caawa ku hooyanayo Magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kulamada ka