Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa Magaalada Muqdisho inay soo gaaraan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira, xilli maalinta Berito ah lagu madalsan yahay Muqdisho in uu ka furmo shirka wadatashiga marxalada looga gudbaayo 2016-ka.
Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa inay soo gaaraan Magaalada Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada kala ah, Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland, C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay oo durba saaka aroortii Isgoysyada qaar ee Magaalada waxaa la soo daadiyay ciidamo Nabad Suggida ka tirsan, kuwasi oo gaadiidka baaraya.
Sidoo kale waxaa la adkeeyay wadada badi ay isticmaalaan Madaxda Dowlada kolka ay ka dhoofayaan Garoonka Muqdisho, taasi oo ah mida kasoo baxda Madaxtooyada ee Marta Isgoyska Umbulutooriyada, kadibna Dekada sii hormarta, halkaan waxaa la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Koofi Gaduuda.
Ka sokoow adkeynta ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaa lagu wadaa Magaalada inay soo gaaran Wafuud kala duwan oo shirka ka qaybgalaysa, kuwaasi oo qaarkood ay ka socdaan Beesha caalamka iyo Dowladaha daneeya arimaha dalka Somaliya.
Shirkan Berito lagu wado inuu Magaalada Muqdisho ka furmo, ayaa horay waxaa ugu dhawaaqay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.
Dowladda Somaliya ayaa horay u sheegtay dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, balse laga tashanaayo nooca ay noqon doonto Doorashada.