Madaxda Maamulada Galmudug & Puntland oo quraac iyo qado sharafba isugu sameeyay Koonfurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay kaga dhawaaqeen in laga gudbay xilligii dagaalka.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa shaaca ka qaaday inaanay colaad dambe ka jirin Magaalada Gaalkacyo, isla-markaana ay socdaal nabadeed ku soo mareen Magaalada.
“Dadka haddii ay colaad qaadeen inaanay colaad jirin la arko. Maanta intaan soconayna Magaalada socdaal nabadeed baan ku soo marnay, marka hadhow aan sii soconana socdaal nabadeed ayaan ku mari doonnaa. Hadaayay mar baa la soo jeediyay oo la yiri waa in labadiina baabuur inta la idin wada saaro dadka horta maro cad u bitisaan, oo tiraahdaan war waa nabad’e.” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Waxa kaloo uu yiri “Aniga marka waxay ila tahay marxaladdii nabadda iyo nabad raadinta waan ka gudubnay. Waxaan u gudbeenaa marxaladdii iskaashiga iyo wax wada qabsiga Insha’Allah. Waxaan is leeyahay waa sax wixii maalmihii la soo dhaafay dhacay waa xumaayeen, laakiin dhib kasta waxaa la rabaa in fursad loo bedelo. Gaalkacyo dhibkii ka dhacay faa’iido ayaan Insha’Allah u bedeli doonnaa. Dhibkaasi intaan faa’iido ka dhex raadino oo Gaalkacyo oo is fahamsan, iskaashata oo Waqooyiga haddii ay wax uga baahan tahay Koonfurta loo soo wareejiyo, Koonfurta wixii jirana Waqooyiga loo wareejiyo weeye.”
Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa isna sheegay Madaxda Galmudug & Puntland looga baahan yahay inay horseed u noqdaan nabadda looga baahan yahay Magaalada Gaalkacyo.
“Aniga iyo walaalkey C/kariin waxaa nalooga baahan yahay inta aan isku imaano dadka tusno, dariiqa wanaagsan nolosha ee ah nabadgelyada, horumarka iyo dadkan ehelka ah ee wada degani inay iskaashadaan, inay ayagu cudud isu noqdaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
“Meeshii ay ayagu cududda isku tijaabin lahaayen in ay cududda u adeegsadaan cadowga Somaliyeed ee kale tirada badan ee meelkasta jooggaa inay iska kaashadaan weeye. Diyaar baan u nahay marka inaan wada shaqayno aniga iyo Madaxweyne C/kariin, ka shaqayno nabadgelyada, ka shaqayno horumarka, ka shaqayno wada jirka iyo midnimada Somaliyeed. Anagoo tan nabadgelyada Gaalkacyo heshaana muhiimadda sii tallaabineyno meelo kale oo Somaliyeed oo dhibi ka jirtana gacan ka gaysan doono.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxdu waxay dadkii ka barakacay Magaalada Gaalkacyo ay ugu yeereen dib inay guryahooda ugu soo laabtaan, iyagoona u muujiyay kalsooni wanaagsan, oo ah in ay nabad buuxdo ku wada noollaan doonaan.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Culimadii ka qaybgashay kulamada ka kala dhacay Waqooyiga & Koonfurta Gaalkacyo, ayaa bogaadiyay nabadda ay wada qaateen labada Maamul.



















