

Warbixinada
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa waxay markii ugu horeysay ku kulmeen Magaalada Mooyaale.
La Qoray
6 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMMadaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa waxay markii ugu horeysay ku kulmeen Magaalada Mooyaale.
Madaxdan, ayaa waxay Isniintii ka wada hadleen sidii lagu dhammeen lahaa dagaalka beelaha ku saleysan, ee ku soo noq noqday Mooyaale iyo deegaanada kale ee ku xeeran. Mooyaale waxay u dhaxeysaa labadaasi dal.
Mooyaale waxaa degan dad xoolo dhaqato ah, kuwaa oo xilliyada jiilaalka isku dagaala dhulka daaqsiinta iyo waraabka xoolaha, waxaana marar fara-badan ku wada dagaalamay xoolaleyda.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ballanqaaday in ay samayn doonaan tallaabo kastaa, oo dhinacooda kaga xiran, sidii lagu soo afjari lahaa dagaalada u dhaxeeya dadka xoolo dhaqatada.
Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa isna sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay, sidii looga miro dhalin lahaa heshiiska ay la gaareen Kenya, ee ah soo afjaridda dagaaladaasi.
Kenyatta iyo Desalegn, ayaa ballanqaaday inay samayn doonaan mashaariic ay ka hirgelinayaan labada cirif ee Mooyaale, iyadoo markaasi ay xoolo dhaqatadu ka helayaan, waxyaabo baajin kara inay wada dagaalamaan.
Itoobiya iyo Kenya, ayaa waxay kulankaasi ku kala saxiixdeen heshiis ku qotoma in nabadgelyada laga wada shaqeeyo. Waxaana heshiiskaasi u kala saxiixay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee labada dal.
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Dowladda Jarmalka oo malaayiin lacag ah ku bixineysa caawinta dadka ku dhibaateysan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
La Qoray
3 months agoon
Feb 18, 2022Waxaa Qoray
Abubakar Mohamed
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Jarmalka ee Iskaashiga Caalamiga ah ee GIZ ayaa lagu sheegay in Jarmalku uu 20 milyan oo Yuuro ugu deeqay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) si loogu caawiyo dadka ku dhibaataysan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
War-saxaafadeedka oo xusay in kaalmadaasi la marsiinayo Qaramada Midoobay si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaarta ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, ayaa yiri:
Ka dib abaar taariikhi ah, Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ku-dhowaad 13 milyan oo qof ay halis ugu jiraan gaajo. Soomaaliya, qiyaastii 1.4 milyan oo qof ayaa ku barakaci kara abaarta hadda jirta. Halka 7.7 milyan, oo ah kala bar tirada guud ee dadka Soomaaliyeed, ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo. Roob yar uun ayaa ka da’ay dhowr gobol oo Geeska Afrika ah tan iyo dabayaaqadii 2020-ka.
Jarmalku waxa uu Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) siinayaa 20 milyan oo Yuuro si loo hubiyo in dadka ku nool deegaannada khatarta gaarka ah ee ka imaaneysa gaajada ka jirto ay heli karaan gargaar degdeg ah. Maalgelintan ayey tahay in loo isticmaalo, arrimo ay ka mid yihiin, in in ka badan 50,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool lagu siiyo quud loogu talagalay xoolahooda. Dalka Itoobiya, 26 ‘waro’ qallalay ayey tahay in dib loogu biyo dhigo. Kenya, 15,000 oo qoys ayaa lagu wadaa inay helaan lacag caddaan ah.
Qaybo ka mid ah saddexda waddan, roobabku waxay hoos u dhaceen ilaa 70 boqolkiiba. Gobollada qaar ayaa xitaa la daalaadhacaya roobabkii ugu yaraa ee abid.
Xoolo dhaqatada reer guuraaga ah iyo xoolo dhaqatada nag ayaa wajahaya dhibaatooyin sii kordhaya. Qoysas aad u badan ayaa lumiyay ishii dhaqaale ee kaliya. Maadaama roob la’aantu ay sidoo kale sababto in dhul daaqsimeedka uu qallalo, reer guuraagii xoolo dhaqatada ahaa iyo xoolahoodii ayaa si sii kordheysa ugu wareegaya dhul-beereedka. Dhulka beerashada ku habboon wuu sii yaraanayaa. Ceelasha iyo nidaamyada waraabka ayaa qallalaya. Khilaafyo cusub oo ka dhashay tartanka beeraha sii yaraanaya, dhul daaqsimeedka iyo ceelasha biyaha ayaa soo ifbaxaya. Dhibaatooyinka ka dhashay iska horimaadyada hubeysan ee ka jira Itoobiya iyo Soomaaliya iyo sidoo kale ‘Saf-marka Ayaxa’ ee 2020 ayaa xaaladda uga sii daray.
Maalgelintani waxay muujinaysaa habka aasaasiga ah ee dowladda Jarmalka ee gargaarka bini’aadannimo. Ujeeddadeedu waa in la bixiyo caawimo sida ugu dhakhsaha badan iyo sida ugu macquulsan uguna suuragalsan si looga fogaado ama loo yareeyo waxyeellada. Dowladda Jarmalka ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay kordhisay gargaarka bini’aadannimo ee Afrika. Sannadkii 2021, waxa ay diyaarisay lacag dhan 564 (Shan boqol, lixdan iyo afar) milyan oo Yuuro si loogu caawiyo qaaradda Afrika.

DOWLADD GOBOLEEDKA JUBBALAND SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
Dowladda Hooseee Degmada kismaayo
OGAYSIISMUHIIMAH
Waxaa dhamaan ganacsatada Degmada Kismaayo lagu wargalinayaa in maamulka dowladda hoose ee degmada kismaayo uu sanadki cusubaa ee 2021 Bisha Janaayo uu bilaabay nidaamka diiwaan-gelinta ganacsiga iyo soo saarista shatiga ganacsiga ee mehered kasta oo ku taala Degmada Kismaayo. Waxaa ilaa hada la diwaangeliyey in ka badan 3,300 oomeheradood.Sanadkan 2022 dawladda hoose ee degmada kismaayo waxay dhiiragelineysa in gamacsiyada hadhay ay sida oogu dhaqso badan is ku diwaangeliyaan una qaatan shatiyada ganacsiga. shatigaas oo ah shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hoose si loola socda dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada ksimaayo.
SUPPORTEDBY:ILO/UNJPLG
Muhiimadda uu leeyahay in la qaato shatiga Ganacsiga Dowladda Hoose:
- In lakala nidaamiyo ganacsiyada heerar kooda kala duwan lagana hortago ganacsiyda sharci darrada ah.
- In ganacsigu yeesho aqoonsi ugaar ah uu na noqdo mid ka masuul ah wixii ku dhaca aqoonsigiisa gaarka ah hadiiuuu isticmaali si sharciga kabaxsan
- In la ilaaliyo bad-qabka iyo caafimaadka ganacsiga.
- In lala socdo tirada iyo hadba kor ukaca ama hoos udhaca ganacsiga magaalada.
- In ay Dowladda Hoose hesho dhaqaale ay kuhormariso arrimaha bulshada.
Yaa ubaahan shatiga ganacsi:
Shatiga waxaa u baahan oo loo soo saarayaa dhammaan nuucyada iyo qeybaha kala duwan ee ganacsi kuwaas oo ka howl gala gudaha magalaada kismaayo. Qof ama shirkadd kasta oo furanaya goob ama xarun ganacsi waxaa waajib ku ah in uu haysto shatiga ku habboon nuuca ganacsigiisa.
Yaa soo saaraya shatiga:
Shatiga ganacsiga Dowladda Hoose waxaa soo saari kara keliya Dowladda Hoose,Majirto hay’ad Dowladeed ama mid gaar loo leeyahay oo bixin karta shatiga ganacsiga DowladdaHoose.
NidaamkaQaadashadaShatigaDowladdaHoose:
- Waa in uu tagaa xafiiska qaabilsan bixinta shatiga ee Dowladda Hoose ee kismaayo
- Waa in uu si sax ah ubixiyaa dhamaan Macluumaadka looga baahanyahay ganacsigiisa sida nooca ganacsiga, goobta uu ku yaalo, aqoonsiga iyo dhamaan wixii macluumaad ah oo looga baahdo waxaana diyaar ugu ah shaqaale u tababaran shaqadaas.
- Kadib dhamaystirka macluumaadkii looga baahnaa waxaa goobtaas ganacsiga lagu sameynayaa qiimayn waxaana loodirayaa shaqaalaha qiimeynta uqaabilsan dowladda hoose.
- Qiimaynta kadib waxaa ganacsadaha loo dirayaa fariin ah nooca ganacsigiisa iyo darajada uu ganacsiga kaga jiro iyo lacagta shatiga ee ku waajibtay
- Fariintaas marka uu helo ganacsaduhu waxaa uu bixinayaa lacagta shatiga waxaan uu kushubayaa khasanada Dowladda waxaana uu dib ugu soo celinayaa warqadda caddeynaysa lacag bixinta xafiiska shatiyada ee Dowladda Hoose si loo siiyo shahaadada shatiga. Sidaas ayuuna ganacsigaasi ku diwaan gashan yahay kuna yahay ganacsi sharci ah.
- Sanad walba bisha koowaad waa in Ganacsaduhu cusbooniistaa shatigiisa Dowlada Hoose.
Si aad u hesho warbixin faah-faahsan ah fadlan tag xarunta Dowladda hoose ee Degmadakismayo

DOWLADD GOBOLEEDKA JUBBALAND SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
Dowladda Hoose ee Degmada Afmadow
Waxaa dhamaan ganacstada Degmada Afmadow lagu wargalinayaa in maamulka Dowladda Hooseee Degmada Afmadow uu sanadka cusub ee 2022 Bisha Janaayo bilaabo doono nidaamka diiwaan-gelinta ganacsiga iyo soo saarista shatiga ganacsi ee Dowlada Hoose kaas oo ku wajahan mehered kasta oo ku taala Degmada Afmadow. shatigaas oo ah shaqada ugu muhiimsan ee Dowladda Hoose si loola socdo dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada Afmadow.Hadaba waa in ay isdiiwaangaliyaan dhamaan ganacsiyada/ meheradaha sida oogu dhaqsiyaha badan.
SUPPORTEDBY:ILO/UNJPLG
Muhiimadda uu leeyahay in la qaato shatiga Ganacsiga Dowladda Hoose:
In lakala nidaamiyo ganacsiyada heerarkooda kala duwan lagana hortago ganacsiyda sharci darrada ah.
- In ganacsigu yeesho aqoonsi u gaar ah uuna noqdo mid ka masuul ah wixii ku dhaca aqoonsigiisa gaarka ah hadii uu u isticmaali si sharciga kabaxsan
- In la ilaaliyo bad-qabka iyo caafimaadka ganacsiga.
- In lala socdo tirada iyo hadba kor u kaca ama hoos udhaca ganacsiga magaalada.
- In ay DowladdaHoose hesho dhaqaale ay ku hormariso arrimaha bulshada.
Yaaubaahanshatigaganacsi:
Shatiga waxaa u baahan oo loo soo saarayaa dhammaan nuucyada iyo qeybaha kala duwan eeganacsi kuwaas oo ka howl gala gudaha magalaada Afmadow. Qof ama shirkadd kasta oo furanaya goob ama xarun ganacsi waxaa waajib ku ah in uu haysto shatiga ku habboon nuuca ganacsigiisa.
Yaa soo saaraya shatiga:
Shatiga ganacsiga Dowladda Hoose waxaa soo saari kara keliya Dowladda Hoose,Majirto hay’ad Dowladeed ama mid gaar loo leeyahay oo bixin karta shatiga ganacsiga ee Dowladda Hoose.
Nidaamka Qaadashada Shatiga Dowladda Hoose:
- Waa in uu tagaa xafiiska qaabilsan bixinta shatiga ee Dowladda Hoose ee kismaayo
- Waa in uu si sax ah ubixiyaa dhamaan Macluumaadka looga baahanyahay ganacsigiisa sida nooca ganacsiga, goobta uu ku yaalo, aqoonsiga iyo dhamaan wixii macluumaad ah oo looga baahdo waxaana diyaar ugu ah shaqaale u tababaran shaqadaas.
- Kadib dhamaystirka macluumaadkii looga baahnaa waxaa goobtaas ganacsiga lagu sameynayaa qiimayn waxaana loodirayaa shaqaalaha qiimeynta uqaabilsan dowladda hoose.
- Qiimaynta kadib waxaa ganacsadaha loo dirayaa fariin ah nooca ganacsigiisa iyo darajada uu ganacsiga kaga jiro iyo lacagta shatiga ee ku waajibtay
- Fariintaas marka uu helo ganacsaduhu waxaa uu bixinayaa lacagta shatiga waxaan uu kushubayaa khasanada Dowladda waxaana uu dib ugu soo celinayaa warqadda caddeynaysa lacag bixinta xafiiska shatiyada ee Dowladda Hoose si loo siiyo shahaadada shatiga. Sidaas ayuuna ganacsigaasi ku diwaan gashan yahay kuna yahay ganacsi sharci ah.
- Sanad walba bisha koowaad waa in Ganacsaduhu cusbooniistaa shatigiisa Dowlada Hoose.
Si aad u hesho warbixin faah-faahsan ah fadlan tag xarunta Dowladda hoose ee DegmadaAfmadow.


Booliska Soomaaliya Oo Bandow Kusoo Rogay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu Dambeeyay ee Xaaladda Dhuusamareeb.

Guddiga Doorashada Oo Soo Saaray Farriin Ku Socota Dhammaan Musharaxiinta Madaxweynaha

Booliska Oo Shaaciyay Cida Lala Beegsaday Qaraxii Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay

Faah Faahin: Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Wadada Aada Garoonka Aadan Cadde

Hadal-Jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Dalka Oo Maanta Bilaabaneysa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kormeer Deg Deg ah Ku Tegay Hoolka Doorashada Afisooni.

Beesha Caalamka Oo Taageertay Go’aankii Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dalka

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geyneysa Degaannada Galmudug.

Ciidanka Jubbaland Iyo Kuwa DANAB Oo Weerar Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan J/Hoose.

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Maanta Lasoo Gaba-Gabeynayo.

Farmaajo Oo Qaatay Shahaadada Musharaxnimo Ee Xilka Madaxweynaha.

Diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta bilaabaneysa

Guddoomiye Aadan Madoobe Iyo James Swan Oo Ka Shiray Dhameystirka Doorashada.

Golaha Ammaanka ee QM oo si adag uga hadlay weerarkii Ceelbaraf.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo Taliyeyaasha Ciidamada Kala Hadlay Amniga Doorashada

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Kulan La Qaatay Safiirka Imaaraadka.

Ciidanka Xoogga Oo Isku Furay Waddooyin Ay Al-Shabaab Go’doomiyeen Sannado Badan

Jubbaland Oo Maanta Doorashada Golaha Shacabka Kusoo Gaba-Gabeeysay Ceelwaaq

Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland oo Gaaray Ceelwaaq

Hadal jeedinta Musharaxiinta u Taagan Guddoonka Aqalka Sare oo Maanta Bilaabanaysa.

Farmaajo Oo Amar Siiyey Ciidamada Ammaanka Dowladda.

Dawladda Soomaaliya oo Faahfaahisay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Liido.

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay


Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh
