Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu ku baaqay in la sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, maalin kadib markii ciidamada la wareegeen deegaanka Wabxo ee ka tirsan degmada Ceelbuur.
“Guusha maanta ay ciidamadu kaga sifeeyeen kooxaha argagaxisada Magaalada Wabxo waxey fursad siineysaa in shacabka deegaanku ay cabsida ka baxaan una soo jeestaan inay horumarka deegaanka kala shaqeeyaan Dowladda GalMudug”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug oo howl galkii ciidamada kula wareegeen Wabxo ayaa yiri “Waxaan marka hore ammaan iyo bogaadin u soo jeedineynaa ciidamada Xooga Daka Soomaaliyeed oo iyaga oo kaashanaya shacabka deeaanka ku guuleystay in kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyo Magaalada Wabxo. Waa fursad qaali ah oo shacabka deegaanku ku helayaan neecow nabadeed, isla markaana cabsidii iyo welwelkii kooxaha argagaxisada ay kaga baxayaan.”
Madaxweyne Guuleed ayaa xusay muhiimada ay leedahay in shacabka deegaankaas gar-gaar lala soo gaaro, wuxuuna yiri “Shacabka Wabxo iyo dhammaan deegaanada laga xorreeyey Al-Shabaab waxay nooga baahanyihiin inaanu si deg-deg ah ula gaarno gar-gaar bini’aadanimo iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga si shacabka deegaanku u dareemaan faa’iidada ay dowladnimadu leedahay. Shacabka deegaanka waxay muddo ku hoos jireen gacanta argagaxisada oo hanjabaad iyo cagajugleyn ku hayay mudo dheer, maantana waxay u baahanyihiin inay dareemaan xoriyad si ay mustaqbalkooda uga fikiraan.”
Madaxweynaha ayaa Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay in shacabka deegaanada la xoreeyey si deg-deg ah loo soo gaaro, wuxuuna yiri “Dowladda GalMudug waa mid curdun ah oo aan wali awoodin inay adeegyada aasaasiga ah gaarsiiso deegaanada laga xoreeyey kooxaha aragagaxisada ah, sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa shacabka GalMudug, gaar ahaan ganacsatada iyo qurbojoogta, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka in ay si deg-deg ah gurmad ula soo gaaraan deegaanada dhawaan la xoreeyay”.
DHAMAAD