Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, ayaa daboolka ka qaaday inaanan wax rajo badan laga suggi doonin ciidan baahan, oo daruufo adag ay ku haysato Gobolka Shabellaha Hoose.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa tilmaamay in Ciidanka Qalabka Sida ay wax qaban doonaan, goorta ay Dowladda Somaliya bixiso mushaaraadkooda, inta ka horeysana ay adag tahay in laga fisho wax qabad.
Madaxweynaha waxa uu Dowladda Somaliya uu ugu yeeray inay bixiso xuquuqda Ciidanka Qalabka Sida, si shacabka ay ugu intifaacan wax qabadkooda dhabta ah.
Waxa kaloo uu sheegay in inta ay askartu baahan yihiin laga filan karo inay dhibaato kasta gaystan, oo ay ugu horeyso in shacabkii ay difaaci lahaayen ay dhacaan iyo inay jidgooyooyin dhigtan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu hoosta ka xariiqay in wax laga qaban doono isbaarooyinka laga cabanayo, ee ku soo badanaya Gobolkaasi, marka ay Dowladdu dhabarka u ridato fulinta mushaaraadka Ciidanka.
Mar uu fariin u diraayay Ciidanka, ayuu ballanqaaday inay xuquuqdooda ku dadaali doonaan, sidii ay ku heli lahaayen, iyana ay ka codsanayan inkastoo ay daruufo adag ku jiraan, ay hadana ka codsanayan inay shacabka u adeegan.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu dhaliilaa inaanay ku fiicnayn bixinta mushaaraadka Ciidanka, taana waxay markasta dib u dhac ku keentaa hawlgalada ka dhanka ah kuwa Dowladda ka soo horjeeda.