Nala soo xiriir

Warbixinada

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo ka hadlay weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Paris

La Qoray

on

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo ka hadlay weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Paris, ayaa si xoogan u cambaareeyay weeraradaasi, isagoona tacsi u diray Dowladda iyo shacabka Faransiiska.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa waxaa uu weeraradaan uu ku tilmaamay kuwo lagu argagax gelinaayo shacabka Faransiiska, inkastoo uusan cid gaar ihi dusha kaga tuurin masuuliyadda weeraradaasi.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Washington, ayaa waxa uu weeraradaasi uu ku macneeyay kuwo ka dhan ah nolosha aadanaha, sida uu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno kuwii masuulka ahaa weerarada gil gilay Caasimadda Faransiiska. Sidoo kalana waxa uu ballanqaaday in Dowladda iyo shacabka Faransiiska, ay ka caawin doonaan sidii cadaaladda lagu horkeeni lahaa dembiilayaasha.

Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron oo cambaareeyay weeraradaasi, ayaa sheegay in Xukuumadda Paris ay garab jooggaan, isla-markaana ay siin doonaan caawimaad kastaa, oo ay kaga soo baahato.

Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo sidoo si kulul u cambaareeyay weeraradii Magaalada Paris, ayaa ka dhawaajiyay in ay garab taagan yihiin shacabka Faransiiska.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia, haweeneyda lagu magacaabo Julie Bishop, ayaa habeenkii xalay ahaa ku tilmaamay Jimco madow oo soo martay bulshada Faransiiska.

Booliska Magaalada Paris, ayaa sheegay in ugu yaraan 100 ruux ay ku dhimatay illaa saddex goobood oo xalay la weeraray. Inta badan dadku waxay ku dhinteen toogasho ka dhacday baarka Bataclan. Khasaaraha dhimashada ayaa ka badan tirada uu Boolisku shaaciyay.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Diiday In La Hakiyo Kursiga HOP103

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddiga doorashooyinka Koofurgalbeed ayaa soo saaray qoraal ay ku shaacinayana doorashada afar kursi oo uu ku jiro kursiga HOP103 ee uu guddiga doorashada Heer Federal hakiyay.

Qoraalka ka soo baxay guddiga heer dowlad goboleed ayaa u qornaa:

sii aqri

Wararka

Guddiga Doorashada Heer Federal Oo Hakiyay Doorashada Kursiga uu ku fadhiyay Jawaari

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Heer Federal ayaa lagu hakiyay  kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay 103 ee uu ku fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari, kadib cabasho ka timid habraaca loo maray.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa sideeddii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka lagu hakiyay kursiga 103.

Ku: Guddiga Doorashooyinka (SEIT) Koonfur Galbeed
Og: Guddiga Xalinta Khilaafaadka
Og: Madaxda Maamul Goboleedyada
Og: Raysalwasaaraha – JFS

Ujeedo: Hakin doorashada kursiga (HoP103)

Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo.

Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe.

Haddaba, amarka hakintaani wuxu soconayaa ilaa inta guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo maray.

sii aqri

Barnaamijyada

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Baydhaba

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Soo dhawaada saaxiibayaal, halkan waxa aan idinkugu soo gudbineynaa Bandhigga Horseed.

Barnaamijkan oo ku saabsan dhismaha wadooyinka iyo sida ay door ugu leeyihiin horumarka dhaqaale, amni iyo bulsho ee dalka, ayaa waxaa ku jira sheekooyin xiiso badan.

Cabdulqaadir Maxamed Xuseen ayaa soo jeedinaya.

Halkan ka dhageyso:

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka4 hours ago

Fariinta Wacyigelinta Bulshada ee COVID19

Wararka7 days ago

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Diiday In La Hakiyo Kursiga HOP103

Wararka7 days ago

Guddiga Doorashada Heer Federal Oo Hakiyay Doorashada Kursiga uu ku fadhiyay Jawaari

Barnaamijyada7 days ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Baydhaba

Wararka2 weeks ago

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Kuraasta Golaha Shacabka Ee Galmudug Oo Bilaabatay.

Barnaamijyada2 weeks ago

DHAGEYSI: Wargelinta Horseed – Baydhaba

Wararka2 weeks ago

Marxuum Cabdicaiis Afrika Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Muqdisho

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Howlgal kula Wareegay Degaano Dhowr ah.

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Ka Tirsan Booliska AMISOM Oo Muqdisho Soogaaray.

Wararka2 weeks ago

Deni & Axmed Madoobe Oo Dalbanaya in Doorashada lagu Soo Koobo Hal Magaalo.

Barnaamijyada2 weeks ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Laascaanood

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Kulamo ka Wada Dhuusamareeb

Wararka3 weeks ago

Agabka Doorashada Golaha Shacabka Oo la Geeyay Magaalada Beledweyne.

Wararka3 weeks ago

Ciidanka NISA Oo Howlgal ku Qabtay Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab.

Wararka3 weeks ago

Qaramada Midoobay Oo Ka Dayrinaysa Xaaladda Bini’aadanimo Ee Soomaaliya.

Barnaamijyada3 weeks ago

DHAGEYSI: Wargelinta Horseed – Laascaano

Wararka3 weeks ago

Rooble Oo Ku wajihan Magaalada Dhuusamareed.

Wararka3 weeks ago

Qaar Kamid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Gobalada Waqooyi Jadwalka Doorasho Oo La Shaaciyey.

Wararka3 weeks ago

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Hay’adda FAO Kala Hadlay Arrimaha Fatahaadaha.

Wararka3 weeks ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Ee Baraawe.

Barnaamijyada3 weeks ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Xarunta Xeyle Bariise

Wararka3 weeks ago

Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Ay Ka Hortageen Weerar Ay Al-Shabaab Soo Qaadeen.

Wararka3 weeks ago

AMISOM Ayaa Ka Hadlay Xukunada Kala Duwan Ee Lagu Riday Ciidankooda.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco