

Wararka
DHAGEYSO:-Madaxweynaha oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskii hanaanka doorashooyinka
La Qoray
6 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xeer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiskii Hanaanka doorashooyinka ee hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu Madaxweynuhu goor dhow ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa uu ku sheegay inuu xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskaas, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu xal keeni waayay.
“Dadka Soomaaliyeed dhamaan meel kasta ay joogaan, maanta waxaa u hor imid dadka oo aan rabaa inaan la socodsiiyo go’aan xasaasi ah, oo muhiim ah, laga yaabo inay dad badan i dhibsadaan ama ka xumaadaan, laakiin aan la eegnay danta Soomaaliya, dalkeena Soomaaliya wuxuu ka soo baxay duruufo adag oo dheer, maanta wuxuu ku sugan yahay duruufo kale, wuxuu u baahan yahay in mararka qaarkood la qaato go’aano adag”ayuu Madaxweynaha ku bilaabay shirkiisa jaraa’id.
Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray hiigsiga 2016, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay ka qeyb galeen, isagoo xusay in afartii sano ee la soo dhaafay ay ka shaqeeyeen in aanay marnaba dhicin in talada dadka Soomaaliyeed ka baxdo gacantooda, isla markaana ay gasho gacanta dad ajnabi ama ka baxsan xeyndaanba dowladdnimada.
“Isbuucii la soo dhaafay waxaa noo cadaatay in Baarlamaanka ku culus tahay inuu go’aan deg deg ah ka gaaro, waana ku kala ra’yi duwanaaday, anigoo ka fikiraya waqtiga xadidan ee aan heysan, anoo ka fikiraya wanaaga baarlamaanka ku jiro wixii khilaaf keenaya sii kala wadaya in baarlamaanka looga turo, anoo ilaalinaya danaha qaranka ee hadii go’aanadaas horay u socon waayaan, waxaa ii cadaatay inay adag tahay inuu baarlamaanka wada ogol dhexdiisa uu ka gaaro arrintaas, maanta waxaa soo saaraya xeer Madaxweyne oo tilmaamaya sida looga gudbayo marxaladaas adag, ayadoo aan u tureyno baarkamaanka oo aan diideyno in kala qeybsamo, oo aan diideyno kala qeybsanaan madasha hogaamiyeyaasha qaran dhexdooda ah iyo inay dhacdo beesha caalamka rajo xumo ku timaado, maanta waxaa soo saaray xeer aan ku xeerinayo heshiiskii u dambeeyay madasha hogaamiyeyaasha qaran wadar ogol ay ku gaareen, wixii ay gaareen arrimaha 2016 sida wadar ogol loo helo, baarlamaanka waa u gudubinay sidaas darteed waxaa soo saaray xeer lagu meel marinayo heshiiska madasha wadatashiga qaran dhaqan gelinta doorashooyinka dadban ee 2016 dhacayo, sidaas darteed shacabka soomaaliyeed waxaa u sheegeynaa in lagu go’aamiyay halka ay mari doonto doorashooyinka “ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka muuqatay deganaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu dhaqan galayo xeerka uu soo saaray ee ku saabsan in heshiiska hanaanka doorashada uu dhaqan galayo.
Sidon kale Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonta waqtigii loogu tala galay, meelihii loogu tala galay ay ka kala dhici doonaan, waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka gudbeyso marxalada xasaasiga ah ee ay gashay.
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.
La Qoray
2 months agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa soo Bandhigay xaaladda binu aadannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.
Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.
Wararka
Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle
La Qoray
2 months agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Guddiga KMG ah ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cismaan Faarax iyo xubno kale oo la socday
Guddiga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray ayaa Wasiirka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka wax ka waydiiyay qarashaadka ka baxay qasnadda Dowladda bilihii la soo dhaafay, Canshuuraha iyo su’aalo kale oo la xiriira Miisaaniyadda Qaranka 2022.
Xubnaha Guddiga ayaa wada soo diyaarinta sharciga miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020, iyada oo la filayo inay horgeeyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay
La Qoray
2 months agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Maanta Maamul cusub waxaa uu u Magacaabay degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu yiri” Iyada oo laga ambaqaadayo baahida loo qabo maamul uu yeesho deegaanka Bariire ee degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana wadatashiyo lala yeeshay dadka deegaanka, ayaa Guddoomiyaha Golka Shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali – Najah wuxuu magacaabay maamulka cusub ee deegaanka Bariire, kuwaas oo kala ah.
Sayid Cali Macow Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha deegaanka Bariire, halka Nuur Maxamed Sheekh Cali loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa u rajeeyay mas’uuliyiinta cusub inay si hufan u gutaan waajibkooda ayna xaqiijiyaan adeegga dadweynaha ay uga baahan yihiin maamulka. Waxaana Guddomiyuhu ka codsaday bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub.


Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay

Ergeyga Gaarka Ah Ee Gurmadka Abaaraha Iyo Wafdi La Socday Oo Gaaray Buulo-Burte

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Taliye Ka Tirsan Puntland Oo La Dilay Isaga Oo Howlgal Ku Jiray

Ciidamada Amaanka Puntland Oo Sameeyey Howlgal Lagu Xaqiijinaayo Amniga Garawe.

Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Golaha Shacabka Oo Maanta Villa Hargeysa Kuyeelanaayo kulan.

Muuse Biixi Oo Gaaray Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Aadan Madoobe Oo Shaaciyay In La Magacaabayo Guddi KMG Oo Ka Kooban Labada Aqal.

Soomaaliya & Talyaaniga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Yeelanaya & Ajendihiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga lana kulmay Saraakiisha Ciidamada

Xukuumadda Oo Kordhisay Lacagaha Laga Qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed.

Maamulka G/Banaadir & Hay’adaha Amniga Oo Ka Shiray Amniga Caleemo-saarka Madaxweynaha JFS.

Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta Fagaaro Ku Toogtay Nin Haweeneey Dilay

Wafdi Ka Qeyb Galaya Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo Gaaray Muqdisho

Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysan jirtay.

Ciidanka dowlada soomalia oo howlgal qorsheysan ka fuliyay dagmada buur hakaba ee gobalka Bay

Wafdi Ka Socda dowlada Somalia Oo Maanta Ka Qeyb Galaya Shirka Midowga Afrika Oo Furmaya

Wasiirka maaliyada xukumada soomalia Oo UK Kala Hadlay Taageerada Dib-U-Habeynta Hannaanka Dhaqaalaha Dalka

Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”


Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town
