Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo qaar ka tirsan Golahiisa Wasiirada ay gaareen Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
C/wali Gaas ayaa oo ka soo ambabaxay Deegaanka Jariiban oo Duhurkii uu soo gaaray, isaga oo u sii gudbay Garacad, halkaasi oo uu kulan kula leeyahay Odayaasha Deegaanka.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha maamulka Puntland safarkiisa ay ku wehliyaan, Wasiirada kala ah Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Duulista hawada iyo garoomada, wasiiru dowlaha Kalluumaysiga, Agaasimaha hay’adda waddooyinka Puntland iyo Masuuliyiin kale.
Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Garacad ayaa la soo warinayaa in Madaxweyne Gaas ay ka dalbadeen in deegaankaasi laga sameeyo Saldhig weyn oo ciidamo badan la dhigo, si looga gaashaanto Shabaab kale oo deegaankaasi soo gaara.
Garacad waa meeshii ay ka dageen Dagaalyahanada Shabaab, xilligii ay gaareen Deeganada Maamulka Puntland.
Saraakiisha ciidamada ayaa la soo warinayaa inuu la kulmi doono Madaxweynaha Puntland oo uu ka dhageysan doono warbixino la xiriira halka uu marayo dagaalka iyo Shabaabka lagu raadjoogo.
Tallaabada Madaxweynaha Puntland uu ku tagay furamaha dagaalka ee Garacad ayaa ah mid dhiiragelin u ah ciidamada Puntland ee Shabaab la dagaalamaya.