Nala soo xiriir

Wararka

Madaxweynaha Puntland Oo U Hanbalyeyey Axamed Madoobe

La Qoray

on

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe guushii uu ka soo hoyay doorashadii Madaxweynaha Jubbaland, isagoo cadeeyay inu mar walba Puntland garab taagan tahay.

C/wali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa sheegay in Jubbaland ay ka baxday KMG, isla markaana hada ah dowlad haykalkeeda u dhan yahay, waxaana uu u rajeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe xilka uu mar kale qaaday uu ku guuleeyo.

“Waxaa rabaa anoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Puntland inaan hambalyo u diro Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale Baarlamaanka Jubbaland ay doorteen”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Mr Gaas ayaa sheegay in sidii shalay Puntland u garab taagneyd Jubbaland ay maantana garab taagan yihiin, isagoo ku tilmaamay doorashada mid u dhacday si dimoqraadi ah oo ku dayasho mudan.

Doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo ee Axmed Madoobe loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa dad badan oo siyaasada ka faalooda ku tilmaameen inay tahay Nin Dooran doorta, maadaama horay uu Axmed Madoobe galaan-gal ugu lahaa dhismihii Baarlamaanka Jubbaland oo ay sharci darro ku tilmaameen Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay doorashada Madaxweynaha Jubbaland inay tahay mid aan waxba ka jirin, maadaama Baarlamaan sharci darro ku dhisan ay Madaxweyne aan sharci aheyn doorteen.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaayo Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ciidamada Amniga ayaa maanta gacanta ku dhigay nin watay waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu isku xiray maqaayad ku taala Mogadishu Mall ee degmada Xamar weyne.

Ninkan ayaa iska tuuray waxyaabaha qarxa, kaddib markii ay ka shakiyeen ilaalada maqaayada, isagoo doonayay inuu gudaha u galo, balse dhagartiisa lagu fahmay.

Ciidamada Amniga oo ninkan ceyrsanayay ayaa markii dambe waxyaabihii qarxa iska tuuray, isagoo ku tuuray dhanka Saldhigga Xamar weyne oo ay markii dambe ku qaraxday.

Taliye ka tirsan Sadhigga Xamar weyne ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo ninkii doonayay inuu is qarxiyo la qabtay.

Xaalada goobta ayaa ah mid degan, waxaana la filayaa in Hey’addaha Amniga ay war ka soo saaraan, kana hadlaan dhacdadan.

sii aqri

Wararka

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Kulan ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Shirkii Golaha amaanka ee qaramada midoobay uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya oo warbixino looga dhagaystay Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya iyo waliba Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah maxamed C/risaaq oo gabagabadii isagu hadlay, waxaa muhiimadda arrimaha ay ka midaysnaayeen ay ahaayeen Afar qodob.

1- In khilaafka iyo ismariwaaga taagan ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii lagu waday in ay dhacaan ka hor 8dii February,

2- In aanay jiri karin cid gaar ah oo nidaam doorasho oo u gaar ah samaysan karta,

3- In arrintu ay meel wanaagsan joogto maadaama 17 kii bishaan magaalada Baydhabo ay dhinayadu ku gaareen heshiis dhamaystiran, sidaas darteed ay muhiim tahay in si wadajir loo hirgaliyo heshiiskaas.

4- In xaaladda amaanka dalku ay halis ku jirto oo laga faa’iidaysan karo hadii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Golaha Ammaanka ayaa siwyen uga walwalsan yahay xaaladda Soomaaliya, iyaga oo ku cel celinayay sida ay suurto gal u tahay in Soomaaliya ay la wareegto amaankeeda mar hadii 2021-22 ka lagu waday in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan amaankooda.

Midowga musharixiinta iyo Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara iska hor imaad siyaasadeed.

Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay ayaan weli go’aan rasmi ah kasoo saarin xaalada Soomaaliya, hayeeshee wadatashiyo kadib ayaa waxaa la filayaa inay go’aan ka qaataan xaalada xilligaan ee Soomaaliya.

sii aqri

Wararka

Qarax Xoogan Ayaa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo warar la helayo ay sheegayaan inuu ka dhacay qeyb kamid ah Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Uuro iyo qiiq farabadan ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib, waxaana goobjoogayaal ay ku warrameen inay maqleen rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee saldhiga xamarweyne.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana la xiray goobta oo qara ka dhacay, iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidanka Booliska Somaaliyeed.

Waxii ku soo kordha warkaas kala soco Starfmsomali.com.

 

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Barnaamijyada2 days ago

Dhageysi. Barnaamijka Saaka Iyo Starfm 07. mar.2021

Barnaamijyo Maalinle3 days ago

Dhageysi:-Barnamijka Xogmaal StarFm 06.Mar.2021.

Dhegeysi3 days ago

Dhageysi:-Warka Habeen StarFm 06.Mar.2021.

Barnaamijyo Maalinle3 days ago

Dhageysi:-Barnaamijka Bandhiga Dhalinyarada StarFm 06.Mar.2021.

Dhegeysi3 days ago

Dhageysi:-Warka Duhur Ee StarFm 06.Mar.2021.

Barnaamijyo Maalinle3 days ago

Dhageysi:-Barnamijka Barqo Wanaagsan StarFm 06.Mar.2021.

Barnaamijyo Maalinle3 days ago

Dhageysi:-Barnamijka Saaka Iyo StarFm 06.Mar.2021.

Barnaamijyo Maalinle7 days ago

Dhageysi:-Barnamijka Xogmaal StarFm 02.Mar.2021.

Dhegeysi7 days ago

Dhageysi:-Warka Habeen StarFm 02.Mar.2021.

Barnaamijyo Maalinle1 week ago

Dhageysi:-Barnamijka Xogmaal StarFm 01.Mar.2021.

Dhegeysi1 week ago

Dhageysi:-Warka Habeen StarFm 01.Mar.2021.

Dhegeysi1 week ago

Dhageysi:-Warka Habeen StarFm 28.Feb.2021.

Dhegeysi1 week ago

Dhageysi:-Warka Habeen StarFm 27.Feb.2021.

Barnaamijyo Maalinle1 week ago

Dhageysi:-Barnamijka Xogmaal StarFm 27.Feb.2021.

Ciyaaraha1 week ago

DHAGEYSI:-Barnamijka Ciyaaraha StarFm 27.Feb.2021.

Barnaamijyo Maalinle1 week ago

Dhageysi:-Barnamijka Barqo Wanaagsan StarFm 27.Feb.2021.

Barnaamijyo Maalinle1 week ago

Dhageysi:-Barnamijka Saaka Iyo StarFm 27.Feb.2021.

Dhegeysi1 week ago

Dhageysi:-Warka Duhur StarFm 27.Feb.2021.

Dhegeysi2 weeks ago

Dhageysi:-Warka Duhur StarFm 25.Feb.2021.

Ciyaaraha2 weeks ago

DHAGEYSI :-Barnamijka Ciyaaraha StarFm 25.Feb.2021.

Barnaamijyo Maalinle2 weeks ago

Dhageysi:-Barnamijka Saaka Iyo StarFm 25.Feb.2021.

Barnaamijyo Maalinle2 weeks ago

Dhageysi:-Barnamijka Xogmaal StarFm 23.Feb.2021.

Dhegeysi2 weeks ago

Dhageysi:-Warka Habeen StarFm 24.Feb.2021.

Wararka4 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco