Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu maanta dalacsiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Liibaan Cali Yarow.
Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Somaliya, ayaa darajada Gudoomiyaha loo dalacsiiyay General. Waxaana hadda ka dib loogu yeeri doonnaa General Liibaan Cali Yarow, bedelkii loogu yeeri jiray Gaashaanle Sare.
Sidoo kale Maaxweynaha, ayaa dalacsiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Dhexe Xasan Cali Nuur (Shuute), waxaana darajadiisa loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare, xilli uu horay u ahaa Gaashaanle Dhexe.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa labada nin ee ugu sareysa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku ammaanay inay dardar-geliyeen hawlaha shaqo, ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, ayaa waxay inta badan qaaddaa kiisaska cul culus, ee ku aadan askarta iyo ragga loo haysto falalka argagaxiso.
Maxkamadda, ayaa horay xukuno dil ah ugu fulisay askar ka kala tirsanaa Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Somaliya iyo rag kaloo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.
Dalacsiinta labadan xubnood, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilkii ka xayuubiyay Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Dalka, Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf.