Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo uu uga qeyb galayo munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo xilligan socota.
Sida ay sheegayaan wararka Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota dowladaha Itoobiya iyo Kenya, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka sii horeeyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo gelinkii hore ee saaka gaaray Kismaayo.
Waxaa kaloo gaaray Kismaayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed.
Sidoo kale Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay gaaray Kismaayo.
Xaflada caleema saarka kadib ayaa waxaa caawa Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu casho sharaf ugu sameynayaa Xarunta Madaxtooyada wafuuda ku sugan magaalada ee caleema saarkiisa u yimid.