Nala soo xiriir

Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey wareega labaad ee shirka Madasha Wadatashiga Qaran(Daawo Sawirada)

La Qoray

on

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey wareega labaad ee shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo sannadka 2016-ka.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgaley madaxda maamullada gobollada ee Jubba, Galmudug, Puntland , Koonfuur Galbeed Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, ururrada bulshada, wakiillada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyay Madaxweynaha, ayaa waxaa uu shacabka ku xusuusiyey in tani ay tahay fursad muhiim ah oo ay kaga tala bixin karaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

“Madasha Wadatashiga Qaran waa mid muhiim u ah taariikhdeena dowlad dhisidda ee aan muddo soo wadney. Waxaan idin sheegayaa in ka hor inta aanan halkan imaan, aniga iyo madaxda maamullada aan muddo saddex maalmood ah ku jirney wadatashiyo adag oo aan ku gorfeyneyno mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeena. Maantana waxaan halkan u joognaa inaan aaraadiina dhegeysano, talo isku darsano, aan faaqidno talooyinkii laga soo uruuriyay shacabka labadii bilood ee la soo dhaafay, ugu dambeytiina aan qaadano talo mid ah,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaa ku darey in loo baahan yahay in kulamada noocaan ahi ay noqdaan kuwo abuuraya rajo cusub oo Soomaali ay leedahay, aakhirkana horseedi kara inaan dib cagaheena isku taagno, aana soo dhisno nidaam dowladeed oo sal adag, kuna dhisan nabad, caddaalad iyo horumar.

“Inagoo wadajirna ayaan horumar ku gaari karnaa. Waddankeena dhibaatooyin badan oo xanuun badan ayuu soo marey. Ma dooneyno in xusuusta murugada leh aan ku saleyno mustaqbalkeena. Waxaan u baahanahay inaan la imaanno is-cafin, wada noolaansho, iyo inaan abuurno jawi nabadeed oo naga saara cabsida iyo kala aamin baxa nagu jira. Waa dhab inaan wajahayno amaba aan dhammaanteen wada dooneyno inaan qaadano nidaam cusub oo siyaasadeed oo aan horey loo tijaabin. Waa inaan cabsida iyo shakiga meel iska saarnaa, lana imaanaa geesinimo aan ku wajahno mustaqbalkeena, waana hubaal inaan guuleysaneyno, inagoo wadajirna oo ummad mid ah’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku xusay in hannaankan socdaa uu yahay mid Soomaali leedahay, talo Soomaaliyeedna lagu shaqeynayo, loona baahan yahay in laga wada faa’iideysto.

“Beesha caalamka iyo waddamala kale ee ina taageeraya kaalintooda waa fududeyn. Talada gacanteena ayay ku jirtaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan ku gaarno talo Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in gobollada kala duwan ee dalka ay ka dhacaan kulamo wadatashi ah oo shacabka fikradahooda lagu dhegeysanayo. Fikradahaasi kala duwan ayaa lagu dhisi karaa hannaan dimoqraadiyeed oo talada ay shacabka leeyihiin. Waa Ilaahay mahaddii in safar dheer kadib aan maanta soo gaarney meel muhiim ah oo shacabkeena ay mustaqbalkooda ku go’aaminayaan, talana ay ku leeyihiin’’, ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay beesha caalamka, kaalinta ay ka qaadatey fududeynta wadatashiyadan muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo dhanka kalena ka codsadey shacabka Soomaaliyeed inay sida saxda ah uga faa’iideystaan taageerada beesha caalamka ee dib loogu dhisayo Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kale oo khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari,Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, madaxda maamul goboleedyada, diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiin kale.

unnamed-1-1

unnamed-2-1

unnamed-3-1

unnamed-4-1

unnamed-5-1

unnamed-6-1

unnamed-7

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Maamulka Magaalada Marka & Taliska AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddoomiyaha Maamulka Magalada Marka ahna gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shabellaha Hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa shir la qaatey Saraakiisha ugu sareyso Ciidanka AMISOM ee degaanka  lambar  konton iyo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa si wadajir u shir gudoomiyeen Gudoomiyaha iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Ugandha ee UPDF ee degaankaas Maj Godfrey rwija ayaa waxaa diirada lagu saaray Amniga Magaalada Marka iyo degaannada kale.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka dowladda oo isugu jiray horinta gurmadka 14 Octoober, Saraakiil Ciidanka Gor-gor ku socotay iyo Saraakiisha Ciidanka ilaalada degaanka

Inta shirka uu socdey ayaa waxaa inta badan looga hadley xaalada amni degaanka sidii wax looga qaban lahaa iyo Sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Uturka Al-Shabaab.

Gudoomiye Waafow iyo Taliye Rwija ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda ka dhageysteen xogaha amni ee ay haayaan iyo taatikooyinka loo dajin karo howlgallada la fulin doono.

Maj Godfrey rwija ayaa Ciidanka kula dardaarmey kala danbeynta iyo u dhimashada Qarannimadooda Soomaaliya iyo sido kale sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha Maamulka Magalada Marka Ahna Gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shebellaha hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa ugu danbeyn sheegey in isku xirnaan hadii lagu dadaali waayo ay dhacayso tafaraaruq iyo in ummadii amnigooda la kafaalo qaadey lagu fashilmi karo masuuliyadaas.

Magaalada Marka iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa mararka qaa lr ka dhaca weeraro iyo qaraxyo lala beegsado Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 

sii aqri

Wararka

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhinacyadii Maanta ku dagaalamay magaalada Muqdisho ay ahaayeen laba maleeshiyo beeleed oo isku qabsaday dhul ku yaal agagaarka Isgoyska Banaadir.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Goobta lagu dagaalamay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku baxeen dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena dhulka lagu dagaalamay ay dacwadiisa taallo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay Ciidamada Booliska gacanta ku hayaan dhulkii lagu dagaalamay, si loo sugo amniga dadweynaha iyo goobaha Ganacsiga.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed faah faahin rasmi ah kama bixin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay dagaalka, waxaana dib u billowday isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

sii aqri

Wararka

Iska Horimaad Saakay Ka Dhacay Degmada Hodan.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Khasaaro Nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka dhashay dagaal Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Booliska Haramcad iyo Millateri Maanta ku dhex-maray agagaarka Isgoyska Banaadir iyo wadooyinka ku hareereeysan.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayay dhul ku yaalla agagaarka isgoyska Jowhara oo labada dhinac ee dagaalamay  mid kamid ah ay doonayeen inay dhistaan, balse dhinaca kale ay kasoo horjeesteen, isla markaana la isku heysto dhulkaas.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in dhaawacu uu gaarayo ilaa Shan Ruux oo kala ah, Taliyaha Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi  Fanax, Taliye kuxigeenka Saldhiga Booliska Dharkeenleey Cabdi Malaaq.

Sidoo kale waxaa jira khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay dagaalka kadib markii rasaasta ay isweey daarsanayeen labada Ciidan ee dagaalamay ay ku dhacday goobo ganacsi, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in Goobo Ganacsi ay burbureen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in halka uu dagaalka ka dhacay uu tegay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, isla markaana uu geeyay Ciidamo goobihii lagu dagaalamay.

Wararka na soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada haatan ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo markii hore istaagay ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka3 days ago

Maamulka Magaalada Marka & Taliska AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

Wararka3 days ago

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

Wararka3 days ago

Iska Horimaad Saakay Ka Dhacay Degmada Hodan.

Wararka3 days ago

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Oo Laga Dalbaday Soo Gudbinta Liiska Xildhibaanada Aqalka Sare.

Wararka3 days ago

Rooble Oo Kulan Laqaatay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub.

Wararka3 days ago

Guddoomiye Barlamaanka Oo Maanta kulan la Qaatay Safiirka cusub ee Sweden.

Wararka3 days ago

Maalintii Labaad Oo Lagu Wada in Ay Ka Qabsoonto Doorshada Magaalada Jowhar.

Wararka3 days ago

Turkiga Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqisho.

Wararka3 days ago

Rooble Oo Ka Jawaabay Gudigii Uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka4 days ago

Muuse Suudi Oo Mar Kale loo Doortay Senator Aqalka Sare Ee Hirshabeele Matala.

Wararka4 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Waraaqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Sweden(Sawirro).

Wararka5 days ago

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Oo Maanta Ka Bilaawanaysa Magaalada Jowhar.

Wararka5 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Gudi U Magacaabay Kiiskii Ikraan Tahliil.

Wararka6 days ago

Maxamed Xuseen Rooble Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday QM

Wararka6 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Ka Socdo Qaramada Midoobey.

Wararka6 days ago

Ciidanka Xooga Dalka Ee DANAB Oo Degaano kala Wareegay Al-Shabaab.

Wararka7 days ago

Dad Loosoo Qabqabtay Dilkii Lixdhibaankii Deegaanka Laascaanood.

Wararka7 days ago

Xubin Ka Mid Ah Maamulka Laascaanood Oo Xalay La Dilay.

Wararka7 days ago

Wararkii ugu Danbeeyey Shirkii Rooble iyo Farmaajo.

Wararka1 week ago

Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Wararka1 week ago

taliyaasha ciidamada qalabka sida oo kulan ku yeeshay magalada muqdisho

Video1 week ago

madax weenihii hore somaliya oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble & kiiska Ikraan Tahliil.

Wararka1 week ago

Madaxweynaha Uganda oo sheegay in uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco