

Wararka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saarey farriin ku socota xubnaha ururka Al Shabaab
La Qoray
7 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saarey farriin ku socota xubnaha ururka Al Shabaab, kadib markii garab ka mid ah kooxdaas oo ku dhawaaqay inay ku biireen Ururka Daacish.
“Waxaan si dhow ula soconaa khilaafka aan qarsooneyn ee soo kala dhex galey xubnaha ururka Al-Shabaab ee ku saabsan in ay daacad u noqdaan Al-Qaacida ama Daacish (ISIL) oo aan dhihi karo magacooda rasmiga waa kuwii wax burburinayey”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Daacish iyo Al-Qaacida ay u taagan yihiin inay wax bur buriyaan, isla markaana ay labaduba diiradda saaraan gumaadka iyo dhimashada, iyagoo aan kala sooceyn dadka.
“Xaqiiqdii, labadan kooxood ee Daacish iyo Al Qaacida waxay u taagan yihiin hawshooduna ay tahay in ay wax burburiyaan. Waxay labaduba diiradda saaraan gumaadka iyo dhimashada, mana kala soocaan dadka ay dhibaateynayaan, amaba wax u geysanayaan: Waxay dilaan dadka Muslimiinta ah ee ka soo horjeeda nidaamkooda khaldan, waxay sidoo kale dilaan dad aan waxba galabsan oo ka soo jeeda diimaha kale. Waxay labaduba cabburiyaan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, sida xuquuqda waxbarashada ee wiilasha iyo gabdhaha, iyo weliba xuquuqda dumarka. Waxaa dhammaantood ka go’an wax burburinta, sida dadka, qoysaska iyo weliba waddankeena. Waxa keliya ee ka go’an waa wax burburin, sidaa darted magaca Daacish waa mid si gaar ah ugu habboon falalka gurracan ee ay ku jiraan”ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u naqdiyey sida khaldan ee argagixisadu ay u adeegsanayaan magaca diinta Islaamka.
“Fikirka argagixisadu waa mid mar walba laba lagu saleeyo sida sax iyo khalad, waxa san iyo waxa xun, innaga iyo iyaga iwm. Waxay sheegtaan in ay ku jiraan dagaal ay doonayaan in ay ku soo dhisaan xukuumad barakeysan oo Islaami ah oo khaliifyo ay ka taliyaan, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in aaney jirin wax barakeysan oo meesha ay ku hayaan oo la xiriira hab dhaqankooda iyo ujeedka ay sheeganayaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Ha u maleynina in fursadaha idin bannaan ay ku kooban yihiin oo kaliya in aad daacad u noqotaan Al Qaacida ama Daacish si ay idinku noqdaan madax maqaar saar ah. Waxaa jirta fursad kale oo taas ka wanaagsan, taas oo ah mid sax ah oo barakeysan: waa waddada nabadda’’.
“Khilaafkan ka dhex aloosan Al Shabaab waxaa uu astaan u yahay koox mar hore ay jihadu ka luntey, isla markaana weli ku dheggan fikir khaldan iyo xulasho aan sax ahayn oo mustaqbalkooda la xiriirta. Ma dooneyno nooc cusub oo cabsi iyo cabburin lagu beerayo Soomaaliya. Soomaaliya wey ku soo daashay khasaaraha ka soo gaaray noocyada argagixisada ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
“Sidii aan horey u sheegnay, isla markaana aan mar walba ku celcelin doono inta aad weli jirtaan, waxaan mar kale idiin sheegayaa haddii aad dareemeysaan in aad lahaysteyaal u tihiin argagixisada, isla markaana aad ka fikireysaan fursad taa ka duwan, waxaa idin furan in aad dowladda u soo gacan haatisaan. Meel kasta, goob kasta iyo sida ugu macquulsan ee suura-galka ah ayaad nagula soo xiriiri kartaan. Waxaa diyaar idiin ah oo idiin furan dhegaheenna iyo gacan wax idiin qaban doonta. Dowladdu waxay si buuxda u damaanad qaadeysaa nabadgelyadiinna iyo bedqabkiina. Shuruudda keliya ee aan dooneyno in aad fulisaan waxay tahay in aad diiddaan ama aad dhinac iska dhigtaan Al Shabaab iyo fikirka ay ku dhaqmaan ee ku saleysan dagaalka iyo colaadda. Keli ma noqon doontaan. Boqollaal ayaa doortay waddadan. Boqollaal ayaa doortey nabad iyo mustaqbal: waxay bartaan xirfado cusub, waxay soo saartaan nolol maalmeed xalaal ah, qeybna waxay ka yihiin dib u dhiska Soomaaliya’’.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa fariintiisa ku soo gaba gabeeyay “Aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxan idinku boorrinayaa in aad doorataan waddada nabadda’’.
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa soo Bandhigay xaaladda binu aadannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.
Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.
Wararka
Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Guddiga KMG ah ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cismaan Faarax iyo xubno kale oo la socday
Guddiga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray ayaa Wasiirka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka wax ka waydiiyay qarashaadka ka baxay qasnadda Dowladda bilihii la soo dhaafay, Canshuuraha iyo su’aalo kale oo la xiriira Miisaaniyadda Qaranka 2022.
Xubnaha Guddiga ayaa wada soo diyaarinta sharciga miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020, iyada oo la filayo inay horgeeyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Maanta Maamul cusub waxaa uu u Magacaabay degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu yiri” Iyada oo laga ambaqaadayo baahida loo qabo maamul uu yeesho deegaanka Bariire ee degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana wadatashiyo lala yeeshay dadka deegaanka, ayaa Guddoomiyaha Golka Shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali – Najah wuxuu magacaabay maamulka cusub ee deegaanka Bariire, kuwaas oo kala ah.
Sayid Cali Macow Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha deegaanka Bariire, halka Nuur Maxamed Sheekh Cali loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa u rajeeyay mas’uuliyiinta cusub inay si hufan u gutaan waajibkooda ayna xaqiijiyaan adeegga dadweynaha ay uga baahan yihiin maamulka. Waxaana Guddomiyuhu ka codsaday bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub.


Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay

Ergeyga Gaarka Ah Ee Gurmadka Abaaraha Iyo Wafdi La Socday Oo Gaaray Buulo-Burte

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Taliye Ka Tirsan Puntland Oo La Dilay Isaga Oo Howlgal Ku Jiray

Ciidamada Amaanka Puntland Oo Sameeyey Howlgal Lagu Xaqiijinaayo Amniga Garawe.

Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Golaha Shacabka Oo Maanta Villa Hargeysa Kuyeelanaayo kulan.

Muuse Biixi Oo Gaaray Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Aadan Madoobe Oo Shaaciyay In La Magacaabayo Guddi KMG Oo Ka Kooban Labada Aqal.

Soomaaliya & Talyaaniga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Yeelanaya & Ajendihiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga lana kulmay Saraakiisha Ciidamada

Xukuumadda Oo Kordhisay Lacagaha Laga Qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed.

Maamulka G/Banaadir & Hay’adaha Amniga Oo Ka Shiray Amniga Caleemo-saarka Madaxweynaha JFS.

Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta Fagaaro Ku Toogtay Nin Haweeneey Dilay

Wafdi Ka Qeyb Galaya Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo Gaaray Muqdisho

Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysan jirtay.

Ciidanka dowlada soomalia oo howlgal qorsheysan ka fuliyay dagmada buur hakaba ee gobalka Bay

Wafdi Ka Socda dowlada Somalia Oo Maanta Ka Qeyb Galaya Shirka Midowga Afrika Oo Furmaya

Wasiirka maaliyada xukumada soomalia Oo UK Kala Hadlay Taageerada Dib-U-Habeynta Hannaanka Dhaqaalaha Dalka

Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”


Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”
