Sida ay sheegayaan wararka aynu helayno, maanta oo Sabti ah waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay yimaadaan Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira, iyadoo qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynayaasha ay ka socoto Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuled, Madaxweynaah Koonfur Galbee Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa inay yimaadaan Muqdihso.
Sababta imaanshahooda Magaalada Muqdisho ka dambeysa ayaa lagu sheegay inay tahay in maalinta berito ah ay ka qaybgalaan Shir ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo looga hadlaayo arimaha ku aadan Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan.
Puntland ayaa dhawaan ogolaatay in Doorashada dalka ka dhaceysa sanadkan 2016 lagu saleeyo 4.5, kadib in muddo ah oo ay diidaneyd, ugu dambeyna laga dhaadhiciyay.
Garoonka Magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo sida la sheegay ka soo ambabaxay Magaalada Garowe.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana meelaha ku dhaw Madaxtooyada lagu arkayaa ciidamada ammaanka Somaliya oo ammaanka si weyn u xaqiijinaya.
Doorashada dalka Somaliya waxaa ka dhiman muddo 4-bilood ah, waxaana la filayaa in dalka uu ka dhaco isbedel Hogaamineed.