Madaxweynaha Maamulka Puntiland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay aqbalaada Nidaanka 4.5 iyo iyo sababaha ku xumbaaray in Puntiland ay xiligan aqabasho in wax lagu doortp Nidaamka qabaliga ah.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntiland in aqabalaada Nidaamka 4.5 in ay ka dambeesay kadib markii ay usoo baxday sadax arin midkood ay kamid tahay in Soomaaliya inteeda kale ka go’aan hadii aysan aqbalin in doorashada Soomaaliya lagu saleeyo Nidaaka 4.5.
” Wxaaan rabaa in aan idin cadeeyo sadax arimood oo Puntiland ku qasbay in ay aqbasho Nidaamka 4.5, waa mida koobaad in aan ka go’no Soomaaliya inteeda kale , mida labaad in aan ka harno afarta sano ee soo socota geedi socodka Doorashooyinka Soomaaliya iyo mida ugu dameysa oo aheed in aan galno heshiis u cuntamada maamulka iyo dadka reer Puntiland kuna badalano aqbalaada 4.5”Ayuu Yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay dedaal dheer u galeen heshiiska, islamarkaana ay matalaad shacab oo dhab ah sameeyeen, Puntlandna ay go’aansatay inay qaadato qodobka ah in Dowladda Federaalka ah la galaan heshiis bur-burin kara diidamada 4.5ka.
Dr. Gaas ayaa sheegay in Puntland aysan Soomaaliya inteeda kale ka go’i karin, sidaa darteedna ay muhiim noqotay heshiiska la gaaray, beesha caalamka ayuu tilmaamay inay aqoonsadeen kaalinta Puntland kaga jirto Soomaaliya inteeda kale.
Heshiiskii ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntiland ayaa u muuqday mid Puntiland aqbalaada nidamaka 4.5 ay ku badalatay shuruudo badan oo dani ay ugu jirto maamulka Puntiland.