Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu maanta uu si rasmi ah uu u furay Fadhiga 8-aad Baarlamaanka Somaliya, ka dib kulan aan caadi ahayn oo ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka.
Kulanka aan caadiga ahayn ee lagu furayay Fadhiga, ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) isagoo ka hadlay arimo muhiim ah oo xaaladda dalka quseeya.
Gudoomiyaha, ayaa sheegay in baarlamaanka mudadii la soo dhaafay uu ku talaabsaday wax qabad muuqda inkastoo uu sheegay in wax badan ay u harsan yihiin, isla-markaana Fadhigan u dambeeya ay isku dayi doonaan in ay dhameystiraan howlaha hada horyaal Golaha Shacabka.
Jawaari, ayaa sidoo kale sheegay in Fadhiga 8aad uu yahay kan ugu adag maadaama uu yahay kan lagu go’aaminayo mustaqbalka wadanka iyo meesha uu dalka u dhaqaaqayo.
Madaxweynaha Somaliya oo khudbadiisa dastuuriga aheyd ka jeediyay Xarunta Baarlamaanka, ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay guddoonka iyo dhamaan mudanayaasha golaha shacabka sida ay howshooda ugu dhabar adeegaan xilli dalka uu ku jirey duruufo adag.
Madaxxweynah,a ayaa sidoo kale baarlamaanka ugu hambalyay furitaanka kalfadhiga 8 aad oo ah kan u dambeeya baarlamaanka 9 aad ee Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay horumarka dalka uu gaaray ayaa tusaale ahaan u soo qaatay in muddo ku dhow 30 sano kadib dowladda Soomaaliya ay u suuragashay in ay xiriir wada shaqeyneed la yeelato hey’adda lacagta aduunka ee IMF.
“1988 ayay ugu dambeysay in Soomaaliya heshiis wada shaqeyneed la yeelato IMF, dhowaad wasiirkeena maaliyadda waxaa uu saxiixay heshiis iskaashi oo dhex maraya Soomaaliya iyo IMF, kaas oo dalka u horseedaya in deen uu codsado lagana cafin karo.” Ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya waxyaabaha laga rabay in ay qabato ay ahaayeen labo qodob oo kala ah dib u eegista dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah sanadkan 2016, hase yeeshee qodobadaasi sidii loogu talagalay aysan u fulin isla markaana wax badab laga qabtay.
Xasan Sheekh Maxamuud, Hogaamiyaha Somaliya, ayaa sheegay in arinta dib u eegista dastuurka gacanta lagu hayo isla markaana cutubyo badan oo dastuurka kamid ah dib u eegis lagu samaayay, waxaana uu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya iyo baarlamaanka oo wadajir ah horey u sheegeen in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah duruufaha dalka ku jiro awgeed.
Madaxweynaha, ayaa Xildhibaanada ka codsaday in mudada kooban ee u harsan ay shaqadooda labo jibaaraan, isla markaana dul qaad badan muujiyaan.
“Wax kali ah aan doonayo ayaa ah in wax kasta oo suuragal ah la qabto isla markaana sharciyad loo sameeyo si howsha la qabanayo ay tixraac u yeelato.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka wadanka iyo meesha uu u socodo, isagoo sheegay in howlaha hadda la wado ay yihiin kuwo jiho quman u socda.






