Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya iyo masuuliyiin, ayaa waxay maanta gaareen Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay.
Madaxweynaha Somaliya oo diyaarad Helicopter ah ka raacay Garoonka Aadan Cadde, ayaa si nabdoon waxa uu ugu gaaray Degmada Diinsoor, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in Madaxweynaha Somaliya, uu ka raacay Garoonka Magaalada Baydhabo, xilli muddo kooban ay ku hakadeen.
Madaxwerynaha Somaliya, ayaa waxaa la soo sheegayaa in kulan uu la lee yahay Saraakiisha Ciidamada Huwanta iyo Madaxda Odayaasha Golaha Dhaqanka Ee Degmada Diinsoor.
Ciidanka Xooga Dalka & Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa 23-kii July la wareegay gacan ku haynta Degmada Diinsoor, iyadoo aanu ka dhicin wax iska horimaad ah.
Ururka Al Shabaab oo muddo sideed sano ka arriminaayay Degmadaasi, ayaa isaga baxay, ka dib markii uu hujuum ka soo fuulay Ciidamada Qalabka Sida Somaliya & Xoogaga Amisom, ee gacanta siinaaya.
Inta badan shacabkii ku dhaqnaa Degmada, ayaa u barakacay deegaanada ku dhow dhow, inkastoo ay maalmihii la soo dhaafay bilaaben, inay dib guryahoodu ugu soo noqdaan.