Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu u xoojiyo dadaalka dowladda iyo IGAD ugu jiraan dhameystirka maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Sida ay sheegayaan warar lahelayo Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku biiri doona shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Axadii la soo dhaafay dib u bilowday, iyadoo tan iyo axadii ay dhaceen kulamo kala duwan.
Waxaa la sheegaya inay socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Xasan Sheekh, waxaana la adkeeyay ammaanka guud ee magaalada.
Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda labada Gobol, Saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ayaa kulamo lagu dar dar gelinayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku yeeshay Jowhar, waxaana la isku afgartay in maalmaha soo socda odayaasha dhaqanka ay soo gudbiyaan qaabkii ay u qeybsadeen xildhibaanada baarlamaanka oo ka koobnaan doono 71 xubnood.
Shirarkan oo ahaa kuwo is-daba joog ahaa ayaa ka socday Hotel ku yaal Jowhar, iyadoo aan wax shir ah ka dhicin hoolkii loogu talaya shirka ee Madaxweynaha uu ka furay 12-kii bishii Janaayo ee sanadkan.
Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa ka sheegay magaalada Jowhar in 3-da October la dooran doono Madaxweynaha Maamulka cusub ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Marka la eego dar darta lagu wado shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, hase ahaatee waxaa shirka ka maqan doorkii ay ku lahaayeen labada maamul Hiiraan iyo Sh/Dhexe, iyadoo dhowaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed uu ka soo hor-jeestay shirka maamul u sameynta labada gobol.
Si kastaba ha ahaatee dadaalkan dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ku doonayaan inay ku dhameystiraan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa la ogeyn sida uu ku hirgeli doono, iyadoo dhowr jeer oo hore uu shirka maamul u sameynta labada gobol uu hareeyay caqabado keenay in muddo 8 bilood uu hakad ku yimaado.