Nala soo xiriir

Muuqaalo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

La Qoray

on

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay xuska 40 guuradii ka soo wareegtey markii ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) uu bilaabey dhaqdhaqaaqii milateri ee isbeddel doonka ahaa, ee uu talada dalka kaga tuuray Madaxweynihii dalkaas Mingistu Hailemariam.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Maxamed Cumar Carte , xubno ka tirsan golaha wasiirada , baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn kala qeybgaley munaasabad lagu dhagax dhigayey mashruuc khad tareen oo cusub oo Shiinaha uu ka dhisayo Itoobiya.

Mashruucan ayaa isku xiri doona degaannada Mekelle, Weldiya iyo Hara Gebeya, waxaana uu Madaxweynaha ku tilmaamay dhismaha mashruucan inuu ka turjumayo muhimadda nabadgelyada iyo wadajirka ummadeed, Soomaaliyana ay wax badan ka baran karto Itoobiya.

“Mashruucan horumarineed iyo kuwo ka sii wanaagsanba waa laga hirgelin karaa dalkeena, Ilaahay waxaa uu shacabkeena Soomaaliyeed ku maneystey hal abuur dhanka ganacsiga oo si weyn na loogu ammaano, haddii aan hibadaas iyo dadaal xilkasnimo ah ku darno waxaan shaki ku jirin inaan Afrika iyo caalamkaba tusaale u noqon doono” ayuu yiri Madaxweynaha.

Mashruucan waxaa fulinaysa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo magaceeda la yiraahdo China Communication Construction Company (CCCC), waxaana shirkaddan labaatankii sanno ee la soo dhaafay ay gacan weyn ka geysaneysey hirgelinta mashaariic badan oo kaabeyaasha dhaqaalaha ah oo laga wado dalalka Afrika.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Muuqaalo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo ka Hadlay Dagaaladii ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatadii dhacday ee lagu khalkhal gelinayay Ammaanka iyo Nabadda caasimadda.

Halkaan Hoose Ka Daawo

 

sii aqri

Muuqaalo

Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dawlada iyo Al-shabaab Gobalka Hiiraan.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano ka tirsan gobolkaasi uu dagaal khasaaro geystay ku dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya markii ay weerareen deegaan hoosyimaada deegaanka Moqokori oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ayaa weerarkaas siwadajir ah u fuliyeen,isla markaana ay deegaankaas la wareegeen.

Sidoo kale waxaa wararka kale e nasoo gaaraya ay sheegayaan in Ciidamada dowlada ay isaga soo baxeen deegaankii ay la wareegeen,isl markaana ay dib ugu soo laabteen deegaanka Moqakori oo ay markii hore ka tageen.

Sikastaba Al-Shabaab weli kama hadlin dagaalkaas dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo dhinac ah iyo Al-Shabaab

sii aqri

Muuqaalo

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ku dilay xubno Shabaab ah

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn ka dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho oo ay geysteen Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee Africom ayaa lagu sheegay in Gantaalo lagu dhuftay Meel Qiyaastii 30 Mile Muqdisho uga toosan Koofur Galbeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Duqeynta lagu dilay 12 Kamid ah Dagaalyahanada Shabaab oo ku sugnaa Goobta diyaaradaha ay Bartilmaameedsadeen, Waxa ay sidoo kale sheegeen in Weerarka ay kaalin ka qaateen Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Dowladda Somaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iney qiimeyn ku sameysay bal in dad Shacab ah ay khasaare ka soo gaartay Duqeynta, Iyagoo sheegay ineysan jirin Cid Shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay.

Mareykanka ayaa sheegay iney sii wadayaan Weerarada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, ayna u adeegsanayaan Awood kasta si meesha looga saaro, Loona ilaaliyo Muwaadiniinta Mareykanka ah ee Gobolka ku sugan.

Waxa ay sheegeen in meelaha ay beegsadaan ay yihiin Saldhigyada iyo Xerooyinka ay Ciidankooda ku tababartaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Daacish.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka2 weeks ago

Guddoomiye Mursal oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay Wafdi ka socda Qatar

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay ergeyga dalka Qatar Al- Qahtani

Wararka2 weeks ago

Mareykanka Oo Gaadiid Dagaal Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

Wararka2 weeks ago

Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Ay Soo Dhaweeyeen Midowga Musharaxiinta.

Wararka2 weeks ago

Itoobiya oo Argagixiso u Aqoonsatay Ururrada TPLF iyo OLF.

Wararka2 weeks ago

Antonio Guterres oo baaq u diray Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya

Wararka2 weeks ago

Al-Shabaab Ayaa Weerar Ku Qaaday Degmada Raaga-ceelle.

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ku Dhawaaqay in Laqabanaayo Doorasho.

Wararka2 weeks ago

Farmaajo oo ku Dhawaaqay in Howlaha doorashooyinka & Amniga uu ku Wareejinayo Rooble

Wararka2 weeks ago

Shariif Sheekh Axmed Oo Saxaafada Kula Hadlay Magaalada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Wararka2 weeks ago

Maraykanka oo Codsaday in la Baabi’yo Hindise Sharciyeedka Muddo Kororsiga Aheed.

Wararka2 weeks ago

Maxamed Xuseen Rooble Oo Kulamo la yeeshay Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Hirshabelle iyo Galmudug.

Wararka2 weeks ago

Golaha Shacabka oo Beeniyay in Kulanka Sabtida Xilka looga Qaadayo RW Rooble

Wararka2 weeks ago

Rooble Ayaa Ugu Baaqay Dadkii Ka Barakacay Xaafadaha Muqdisho In Ay Dib Ugu Soo Laabtaan.

News In English2 weeks ago

3 Somalia Regional States Say No To Farmaajo Term Extension.

Wararka2 weeks ago

Qarax Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyey Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Gudoomiye Mursal Oo Faray Xildhibaanada Golaha Shacabka In Ay Soo Xaadiraan Xarunta Golaaha.

Wararka2 weeks ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Ogolaaday in lagu Noqonayo Heshiiskii Lana Qabto Doorasho Shuruud La’aan ah

Wararka2 weeks ago

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Ra’iisul wasaaarer Rooble.

Wararka2 weeks ago

Puntland iyo Jubbaland Oo Soo Dhoweeyay Mowqifyada RW Rooble Galmudug, iyo Hirshabelle.

Wararka2 weeks ago

Rooble Oo Ku Dhawaaqay in Dalka uu Doorasho Galaayo

Wararka2 weeks ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo Kasoo Horjeestay Muddo Kordhintii Farmaajo.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco