Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida askartii Emirate-ka Carabta, ee Jimcihii lagu dilay dalka Yemen.
“Waan ka tacsiyeynaya geerida 45-ka askari ee dowladda Imaaraadka looga diley Yemen iyagoo gudanaya waajibkooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto geesiyaasha dhintey, waxay naftooda ku waayeen iyagoo difaacaya qaddiyad ku dhisan xaq iyo caddaalad, dhimashadoodana ma hakin doonto taageerada Jaamacadda Carabta ay ka geysaneyso nabad ka aslaaxinta Yemen.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Qoraal caawa laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa tacsidan loogu diray Madaxweynaha Emirate-ka Carabta, Khalifa bin Zayed Al Nahyan iyo shacabka dalkaasi u dhashay.
Qoraalka, ayaa waxaa lagu sheegay Somaliya in Jaamacadda Carabta ay ku feker tahay, marka ay noqoto xaaladda ka jirta dalkaasi Yemen.
Ciidamadan, ayaa ku sugnaa bukhaar hubka lagu keydiyo oo ku yaala Gobolka Marib ee dalka Yemen, waxaana la sheegay inuu ku soo dhacay gantaal ay Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen soo tuureen.
Emirate-ka Carabta, ayaa ka mid ah dalalka isbahaysiga ee Sacuudigu uu hormuudka ka yahay, kuwaa oo dhinaca cirka ka duqeynaaya Maleeshiyada Shiicada Yemen Ee Xuuthiyiinta.