Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Islaamka Ahmad Mohamed Ali Al-Madani, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim ah.
Kulanka labada Mas’uul ayaa ahaa mid looga hadlay arrimaha horumarinta iyo sidii Bankiga Horumarinta Islaamka uga qeyb qaadan lahaa howlaha sama falka ay wado Hey’adda Samadoon Foundation oo uu dhowaan aas aasay Madaxweyne Shariif.
Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Islaamka Ahmad Mohamed Ali Al-Madani ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo howlaha Samadoon Foundation, waxaana uu xusay wixii kaalmo oo ay ugu tala galeen Soomaaliya u soo marsiin doonaan Samadoon Foundation.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay inuu in lagu kalsoonaan karo howlaha baaxada leh ee ay sameyneyso Samadoon Foundation.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay casuumaada uu u fidiyay Bankiga Horumarinta Islaamka, waxaana uu uga warbixiyay xaalada Soomaaliya ee xilligan iyo sida looga qeyb qaadan karo howlaha sama falka.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Samadoon Foundation ay ka qeyb qaadaneyso howlaha sama falka ee Soomaaliya, isagoo xusay inay kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto waxbarashada, dib u heshiisiinta iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan shacabka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa kulan kala qeyb galay Guddoomiyaha Samadoon Foundation Prof. Warfaa.




