Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya oo howlgal amni sugid ah ka sameeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxa ay ku soo qabteen hub iyo waxyaabo Kiimiko ah oo laga sameeyo Qaraxyada.
Howlgalka oo laga sameeyay qaar ka mid ah Xaafadaha Degmada Baardheere, ayaa ciidanka waxa ay ku soo qabteen Afar qori oo nooca Ak47 ah 2 Bistooladood iyo waxyaabo kiimiko ah oo qaraxyada laga sameeyo.
Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyeen howlgalkaan ay ku soo qabteen hubkaasi in laga sameeyay Magaalada Baardheere gudaheeda, laakiin ma aysan sheegin in rag lala soo qabtay hubka.
Ismaaciil Sh.Cabdi Qorax oo ah Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka Degmada Baardheere, ayaa sheegay hubka la soo qabtay inay gacanta ku hayaan, wuxuuna sheegay Xogo ay ka heleen Bulshada inay ku duulaan tageen oo ay hubkaan ku soo qabten.
Guddoomiye ku xigeenka, waxa kale uu sheegay inay joogteyn doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ciidamada ammaanka ay ku xaqiijinayaan ammaanka Degmada Baardheere.
Howlgalo noocaan oo kale ah oo ciidamada Dowladda ay horay uga sameeyaan Degmada Baardheere, ayaa waxaa lagu soo qabtay rag Shabaab ka tirsan iyo hubkii ay wateen.
Degmada Baardheere ayaa ka mid ah Degmooyinkii ugu dambeeyay ee soo gasha ciidamada Huwanta.