Nala soo xiriir

Wararka

magaalada Cadaado waxaa ka dhacay dibad bax looga soo horjeeda al-shabaab(Daawo Sawirada)

La Qoray

on

Dibad baxani oo ahaa mid aad u balaaran ayaa lagu taageerayay Horumarka iyo Guulaha Ciidamada Dowlad Gobaleedka Galmudug ka gaareen dagaalkii dhawaan Al-shabaab uga saareen Deegaanka Camaara.

Xarunta wadahadalka bulshada Soomaaliyeed ee CCD, ayaa gacan ka geysatay qabanqaabada Dibadbaxan kadhanka ah kooxda Al-shabaab ee shacabka Gobolada Dhexe ay ka dhigeen magaalada Cadaado ee Gobolka Galagduud.

Dibadbaxa ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka mid ah Dowlada Goboleedka Galmudug oo isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowlad gobaleedka Galmudug, Taliyaha Guutada 21- aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha ciidamada booliska degmada Cadaado,masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Cadaado, waxgaradka Degmada, Ururka Haweenka, Ururka Dhallinyarada, iyo Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid 6-da Xaafadood ee Magalada Cadaado.

Dibad baxayaasha oo watay Boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo ka dhan ah Al-shabab ayaa Socdaal dheer kusoo maray qeybo ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magalada Cadaado,kuwaasoo isugu soo Ururay Xarunta degmada Cadaado.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Cadaado Nuur Yarow Xeyle oo ugu horeyn la hadlay dadweynaha isku soo baxay ayaa waxaa uu kawarbixiyay ujeedka Dibad baxa iyo sababta keentay.

“Ujeedka aan isugu nimid halkaan waa banaanbax nabadeed oo aan ku taageerayno Ciidamadeena,waxa nabadda diidana aan uga hortagno,Madooneyno nabadiid,madooneyno nabad la’aan,waxan taageeraynaa Galmudug,Cidkasta ee rabta bulshadan inay lugaha ku dhagto oo horay iyo gadaal u diido oo horumarkeeda diidaan cidna ka yeeli meyno mana ogalaaneyno”ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka.

Abaanduulka Qeybta 21 aad ee ciidanka Xooga dalka Gashanle Sare C/laahi Aadan Cisman Ciro oo halkaasi dibad baxayaasha kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in guulaha ay gaareen ay ku gaareen taageerada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxan u hambalyayneeynaa Ciidamada Galmudug iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Galmudug guulaha ay ka gaareen Cadowga Umadda Soomaliyeed ee UGUS,Waxaana rajeynaynaa wanaaga ay gaareen hadaan shacabka garabsiin inaaney gaareen waxayna kalsoonidaas ka heleen shacabkooda idinkana waan idinkaga mahad celinaynaa”ayuu yiri Taliye Cirro.

Xildhibaanad Maryan Cali Abti doon oo ka mid ah xildhibanada Galmudug oo hadal kooban ka jeedisay dibad baxa ayaa waxay ciidamada ugu hambalyeysay guulaha ay ka gaareen Kooxda Al-shabaab.

“Waxan Rabaa halkaan inaan ka taageero Dagaalkii ba’naa ee faraha loo gubtay ee ka dhacay deegaanka Camaara guushii ay ka gaareen Ciidamadeena Galmudug,waxan leeyahay jira oo jooga,cadow kastana waxan diyaar u nahay haween iyo ragba inan iska difaacno”.

Wasiiru dowladha wasarada arinimaha gudaha dowlad gobaleedka Galmudug Cumar Guureeye oo isna dibad baxayaasha la hadlay ayaa waxa uu balan qaaday in ay la wareegi doonaan deeganada fara ku tiriska ah ee ay wali ku sugan yihiin haraadiga Al-shabab.

“Sida runta ah Ciidamada Galmudug waxay soo hoyeen guul taariiqi ah ka dib markii degmooyin iyo magaalooyin ka tirsan galmudug oo horay aan ugu sugnayn kooxahaas qaswadayaasha ah ay kusoo xad gudbeen oo ay kusoo duuleen sida kartida iyo qiimaha leh oo ay uga sifeeyeen dibna ay ugu soo celiyeen gacanta dowlada.Waxan rajeynaynaa inay deegaanadaGalmudug ay dib u heli doonaan dhamaan deegaanada dhiman”.

Wasiirka dhalinyarada iyo sportiga Galmudug Warsame Maxamed Xasan “Warsame joodax”oo gaba gabadii dibad baxa qudbad dardaaran ah ka jeediyay ayaa waxa uu kooxda waqtigooda sii dhamaanayo ee Al-shabaab ugu baaqay in dhibaatada ay ka daayaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxan kula talinaynaa Al-shabab waqtigiina waa dhamaaday umadda intaad lug goyn karteen waad lug gooyseen umadda horumar iyo nolol ayay rabtaa dhibkii aad horay ugu hayseen loo dulqaadan maayo waa mida maamul iyo masuuliyad loo dhisay insha’allah hadii alle idmo intii hore ha idinkugu ekaato ka daaya umadda dhibka iyo madaxgooyada aad la barateen”.

Dibad baxani ka dhacay magalada Cadaaado ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii dhawan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedka Galmudug ay dib ula wareegeen deegaanka Camaara waxana dibad baxani taageerada ah uu qeyb ka yahay dhiiri gelinta ciidamada howlgalada ay ku baacsanayaan haraadiga kooxda Al-shabaab.

DSC03568

DSC03574

DSC03582

DSC03583

DSC03587

DSC03619

DSC03654

DSC03688

DSC03718

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaacinaya Guddiyada xulaya Ergooyinka doorashada

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland gaar ahaan Guddiyadooda doorashooyinka ayaa waxaa lagu wadaa inay soo bandhigaan Guddiyada soo xulista Ergada dooraneysa min Saddex Kursi ee Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan doorashadooda la shaaciyay

Maamulka Koonfur Galbeed oo ugu horreeya ayaa la filayaa inay shaaciyaan Maanta oo Khamiis ah Guddiga soo xulista Ergada Saddexda Kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Bisha Janaayo ay ku dhaqaaqi doonaan Tababarida Guddiga iyo soo gudbinta Ergooyinka.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Maalinta Sabtida h oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Bisha Janaayo ay shaacin doonaan Guddiga soo xulista Ergada Saddexda Kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Kismaayo, halka Maalinta kuxigta ee Axadda ah ay geli doonaan soo diyaarinta liisaska Ergooyinka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada 5 kursi, waxaana sidoo kale la filayaa in Maamulka Jubbaland uu Magaalada Kismaayo ka bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

sii aqri

Wararka

Guddoomiyaha Cusub Ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo La Doortay

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho Waxaa ku soo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban, kadib markii xilka Laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Guddigaas.

Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tanaasulay Musharax Mustaf Macalin.

Xubnaha Guddiga Khilaafaadka ayaa Cod gacan taag ah ugu coddeeyay, kuna doortay in Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka uu noqdo Maxamed Cawil Warsame oo kamid ah xubnaha Guddigaas.

Maalmo kahor ayaa waxaa Teendhada Afisyooni ee Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ka dhacday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal, waxaana xilkaas ku guuleystay oo loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo bedelay Guddoomiyihii hore ee Maxamed Xasan Cirro.

sii aqri

Wararka

Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada hadlay Amniga & Dhaqaalaha

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjiraha Dowladda aynu saaxiibka nahay ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane FEI Shengchao, oo booqasho ugu yimid.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii ay dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinuhu u wada bilaabi lahaayeen mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ee xigaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Soomaaliya.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka18 hours ago

Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaacinaya Guddiyada xulaya Ergooyinka doorashada

Wararka18 hours ago

Guddoomiyaha Cusub Ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo La Doortay

Wararka18 hours ago

Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada hadlay Amniga & Dhaqaalaha

Wararka5 days ago

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Wararka5 days ago

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

Wararka5 days ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

Wararka5 days ago

Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Wararka1 week ago

Faah faahin Laga Helay Qarax Is-miidaamin ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Wasiirka Amniga Oo Fasaxay Qabashada Banaanbax Ka Dhacayo Muqdisho.

Wararka1 week ago

Tahriibayaal ku Xayirnaa Dalka Liibiya Oo Muqdisho lagu Soo Celiyay.

Wararka1 week ago

Dowladda Mareykanka Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabtay Madaxda Soomaalida

Wararka1 week ago

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magalaada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

UN Ka Oo Soo Dhaweeyey Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Taliska Ciidanka Xoogga Oo Sheegay inay Howlgal Ku Dileen Dagaalyahano Katirsan Al-Shabaab.

Wararka2 weeks ago

RW Rooble Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Midowga Musharixiinta.

Wararka2 weeks ago

Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay War-murtiyeedka Kasoo Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo War-murtiyeed laga Soo Saaray.

Wararka2 weeks ago

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Amar Soosaaray.

Wararka2 weeks ago

Dagaal u Dhaxeya Cidamo Kawada Tirssan Dawlada oo Kadhacay Magaalada Guriceel .

Wararka2 weeks ago

Golaha Wadatashiga Qaran Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Kulan Uga Soconayo Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Israsaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Magaalada Boosaaso.

Wararka2 weeks ago

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco