Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya saaka halkaasi inay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulka Axmed Madoobe uu soo magacaabay ee Garbahaareey ku sugan iyo ciidamo la sheegay inuu wato Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo ku sugan duleedka Magaaladaasi.
Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa loo diiday inuu galo Magaalada Garbahaareey, waana mida keentay xiisada inay ka dhalato, iyadoo wararka ay sheegayaan Kaliil inuu wato ciidamo badan oo uu doonaayo inuu galo Magaalada Garbahaareey.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay dareemayaan cabsi ku aadan dagaal ka dhaca Magaalada, maadaama ciidamada ku sugan Magaalada ee dhinaca Jubbaland taageersan ay diidan yihiin Kaliil iyo Ciidamadiisa inay galaan Magaalada Garbahaareey.
Maxamed Cabdi Kaliil oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Gedo, ayaa kol hore halkaasi waxaa kasoo masaafuriyay maamulka Jubbaland oo taageero xoogan ka helaya ciidamada Itoobiya ee Gobolka Gedo ku sugan.
Ciidamada taageersan Maamulka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Garbahaareey, ayaa la sheegay inay difaacyo ka xirteen duleedka Magaalada, si ay ula dagaalamaan hadii ciidamada Kaliil uu wato ay isku dayaan inay soo galaan Magaalada.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda oo jooga Garbahaareey oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xiisada dagaal ee saaka ka taagan Degmada Garbahaareey.
Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa horay uga soo horjeestay xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo kaliil uu sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Sharciga ee Gobolka Gedo.