Banaanbax ayaa mar kale maanta wuxuu ka dhacay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, banaanbaxaasi oo looga soo horjeedo Maamulka cusub ee Degmada Garbahaareey u soo magacaabay Maamulka Jubbaland.
Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa ku qeylo dhaaminaayay erayo ka dhan ah Maamulka Jubbaland, waxaana dadka ay sheegeen inay doonayaan Maamul ay raalli ka yihiin inuu Garbahaareey ka shaqeeyo.
Qaar ka mid ah dadka Banaanbaxa dhigaayay oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaysan joojin doonin Banaanbaxa oo maalmaha soo socda ay sii wadi doonaan ilaa Maamulkaan cusub ee Degmada Garbahaareey loo soo magacaabay dib looga celiyo Magaalada.
Sidoo kale dadka waxa ay si adag kaga soo horjeedaan Maamulka Jubbaland oo ay ku sheegayaan inuusan aheyn Maamul dadka ay raalli ka wada yihiin, waxaana ay ugu baaqeen masuuliyiinta Maamulkaasi inay faraha kala baxaan arimaha Gobolka Gedo.
Maamulka Jubbaland ayaa Maamul cusub u magacaabay Magaalada Garbahaareey, tan iyo markii uu tagay maamulkaasi cusub Garbahaareey wuxuu la kulmaayay diidmo adag oo kaga imaanaysan qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Xoghayaha Degmada Garbahaareey Kays Aadan Jocaf, ayaa tilmaamay dadka inay doonayaan maamul ay raalli ka yihiin, balse aysan dooneyn Maamul kale oo dusha looga keenay.
Maamulka cusub ee Degmada Garbahaaree ee Jubbaland ayaa garaneyn qaabka uu uga shaqeeyo Magaaladaasi, maadaama Banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulkaasi ay ka dhacayaan Magaaladaasi.