Magaalada Jowhar ayaa todobaadkan ku jirta diyaar garowgii u dambeeyay ee shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay marti gelin doonto boqolaal ergey, siyaasiyiin iyo musharaxiin u hanqal taagaya madaxtinimada maamulkaas dhowaan dhalan doono.
Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada ka jiray diyaar garow habeen iyo maalin ahaa, waxaana dadweynaha magaalada ay isu diyaariyeen shirka la filayo in todobaadkan dhaco, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin maalinta.
Shirka ayaa la filayaa in maalinta Talaadada ee soo socota uu si rasmi ah u furmo, iyadoo uu furi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ilo wareedyo muhiim ah ay u xaqiijiyeen.
Wafuud kala duwan ayaa magaalada gaareysay, si ay u soo indha indheeyaan qaban qaabada shirka iyo halka ay wax marayaan, iyadoo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu si aad ah isugu howlay sidii shirka u marti gelin lahaa, isla markaana sameeyay tallaabooyinkii looga baahnaa marti gelin magaalo ee shirar la mid ah kuwii horay uga dhacay magaalooyinka dalka.
waxaa la sheegaya inay soo dhamaatay wixii diyaar garow ahaa ee shirka ku saabsanaa, iyadoo la qalabeeyay hoolkii shirka lagu qaban lahaa oo la dhigay kuraas boqolaal gaaraya oo ay ku jiraan kuwa casriga ee Madaxda ku fariisato.
Sidoo kale diyaar garowga magaalada ka socota waxaa bar bar socda howl galo lagu sugayo amniga, waxaana gaaray magaalada ciidamo xoojinaya ammaanka guud ee magaalada, kuwaasoo howl galo ka sameeyay xaafadaha qaar ee ku dhow dhow shirka.
Iskuulada kala duwan ee magaalada ayaa la fasaxay inta uu socdo shirka, waxaana ardayda loo soo hormariyay fasaxooda, maadaama goobaha shirka ka dhacayo iyo halka la dejinayo ergooyinka ay ka ag dhow-yihiin goobaha waxbarashada, sidaas darteed ay xaalad amni darteed u suura geli karin in ardayda ay iskuulada dhigtaan.
Dadka reer Jowhar ayaa dareemi doona todobaadyada soo socda culeys amni oo aanay horay u soo marin, iyadoo lagu wado in wadooyinka qaar magaalada la xiro, gaar ahaan wadooyinka soo gala halka shirka ka dhacayo iyo goobaha ay degan yihiin ergooyinka.
Ka sokow diyaar garowga uu maamulka ugu jiro marti gelinta shirka waxaa bar bar socda diyaar garow kale oo ay wadaan musharaxiinta durbaba la calaamadeeyay ee aan si rasmi ah ugu dhawaaqin ololahooda musharax, iyadoo musharax walba uu magaalada ka sameystay hoy iyo halka uu ololihiisa ka bilaabayo, waxaana sare u kacay qiimaha kirada hotelada iyo guryaha gaarka loo leeyahay.
Ganacsatada magaalada ayaa rajeynaya in magaalada ay gasho is bedel ganacsi oo aan horay loo arkin, maadaama la filayo in musharaxiinta ay boorsooyinkooda furaan marka uu ololuhu bilowdo shirkana uu furmo, waxaana magaalada Jowhar oo lixdii sano ee u dambeeyay Ganacsigeeda ahaa mid hooseeyay la filayaa inay tani faa’ido u noqoto oo ganacsiga uu sare u kaco.
Indhaha dadka Soomaaliyeed ayaa waxay ku sii jeedaan magaalada Jowhar oo ka soo bixi doona maamulkii ugu dambeeyay oo federaal ah.
Si kastaba ha ahaatee maalmaha is bedelka ay geli doonto magaalada ayaa waxaa dib loogu soo xusuusan doonaan xilligii 2006-dii dowladdii Mbghati lagu soo dhisay ee uu Madaxweynaha ka ahaa AUN C/llaahi Yuusuf Axmed, xilligaasoo magaalada ay noqotay Xarunta KMG, waxaana magaalada ay marti gelisay min Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Taliyeyaal ciidan, saraakiil iyo dad xilal doon ahaa oo magaalada ku soo qul qulayay.









