Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka JUbada Hoose ayaa waxaa wali ka socda kulamo gooni gooni ah oo u dhexeeya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Gooleedyada dalka ka jira.
Xubno katirsan Beesha Caalamka ayaa lagu soo waramayaa in shalay si deg deg ah ku tageen Magaalada Kismaayo, iyagoona ku qasbay Madaxda Shirka ka qeybgaleysay in aysan kala tagin ayna Shirka go’aano kasoo saaraan iskuna soo dhawaadaan.
Waxaa wali isku heestaan Xubnaha ka qeyb galaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka Federaalka iyo Aqalka sare ee Odyaasha.
Kulamada socda ayaa waxaa hada ku biiray kaalin muuqatana ku leh xubno kasocda Beesha Caalamka , kuwaa oo kulamo gaar gaar ah la leh Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira kuna qancinaya in ay sameeyaan tanaasul si xal loo gaaro.
Safiirka Emirate-ka Carabta u fadhiya Somaliya, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo kmaid ah Xubnaha beesha Caalamka kasocda ee Kismaayo jooga ayaa dadaal badan ku bixina sida shirka looga soo saari lahaa go’aamo lagu mideysan yahay.
Othman ayaa marba shir gaar ah la qaadanaayo madaxad dalka iyo kuwa Maamul goboleedyada, waxa uuna la kulankiisu yahay mid u badan dhanka maamulada Dalka oo uu u arko inay munaasab ku yihiin u tanaasulida Dowlada.
Othman waxa uu doonayaa in meesha uu ka saaro amaba maamulada ku qanciyo nidaamka 4.5, waxa uuna arinkaasi la kaashanayaa xubno kale oo ka tirsan Beesha caalamka kuwaasi oo iyaguna ku sugan Kismaayo.
Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada, ayaa waxay isku khilaafsan yihiin nooca lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya iyo Dhismaha Aqalka Sare, Maamulada Madaxdooda ayaana kala taageersan in dooarshada noqoto mid deegaan halka kuwa kalana ay qabaan 4.5..
Waxaa la filayaa in maanta shirka laga soo saaro war-murtiyeed, waxaana sidoo kale suuragal ah in dib u dhac uu ku imaado soo saarista war-murtiyeedka, hadii ay sii adkaato kala fogaanshaha madaxda shirsan..
Tan iyo Khamiistii waxaa socotay dood kulul oo la xiriirta in Xildhibaanada lagu soo doorto nidaamka beelaha ee 4.5 iyo in lagu soo xulo hannaanka deegaanada. Madaxda Dowladda Somaliya, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayaa u ololaynaaya in Xildhibaanada lagu soo xulo 4.5, halka Puntland iyo Jubbaland ay dalbanayaan in lagu soo doorto habka deegaanada.