Warar soo baxaya ayaa sheegayaa inay socoto qaban qaabada shir ku aadan isfahan dhexmara Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale iyo Siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin ee ay ku kala aragtida duwan yihiin Dhismaha Maamulka Jubbaland ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.
Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Barre Hiiraale uu ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kula kulmi doono xubnaha ay isku haybta yihiin ee Maamulka Jubbaland ka tirsan, kadibna lagu wado inay aragti mideysan ka qaataan Dhismaha maamulka Jubbaland.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Barre Hiiraale uu tagaayo Magaalada Kismaayo oo shirkan lagu qabanaayo, kadibna ay kulmi doonaan Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Barre Hiiraale oo ay kawada hadlayaan sidii loo xalin lahaa Khilaafaadka taagan.
Kismaayo hada waxaa ku sugan Ergo Odayaal ah oo uu Wakiishay Barre Hiiraale, kuwaasi oo Maamulka Jubbaland ay uga wada hadlayaan arinta ku aadan tagitaanka Magaalada iyo in wax amnidaro ah aysan ka dhicin Magaalada.
Aadan Axmed Xuseen oo ka mid ah Saraakiisha Jubbooyinka ayaa sheegay in Shirkaasi uu yahay mid lagu doonaayo in meesha looga saaro Khilaafaadka ka taagan Dhismaha Maamulka Jubbaland.
Xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Barre Hiiraale la dejinaayo Guriga Martida ee Magaalada Kismaayo hadii la isku raaco tegitaankiisa Magaalada Kismaayo.
Dhawaan Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ayaa kulan aanan la ogeyn waxa ay uga wada hadleen waxa uu ku dhexmaray Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Place ee Magaalada Muqdisho.