Warbixinada
Magaalo ku taala dalka Canada oo gubanaysa iyo dadkii deganaa oo ka barakacaaya (Daawo Sawirada)
Dab xoogan oo ka kacay afaafka hore ee Magaalada Fort McMurray Ee Gobolka Alberta, ayaa wuxuu si xoogan uu ugu fidiyay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada, iyadoona uu burbur baahsan gaysanaayo. Dabkan oo bilowday barqanimadii maalintii Talaadada, ayaa duhurnimadii bilaabay inuu si xowli ah ugu fido qaybaha Magaalada.
Dowladda Canada, ayaa waxay dadaal lixaad lihi ku bixinaysaa sidii ay dabkaasi u hakin laheyd, waxaana jira diyaarado ka qayb qaadanaaya hakinta dabkaasi, balse wuxuu dabka u muuqdaa mid aan la hakin karin.
Magaalada Fort McMurray oo ah magaalo yar, kana kooban illaa shan xaafadood, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dabkaasi uu cagta mariyay saddex ka mid ihi xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaladaasi.
Dadkii ku dhaqnaa Magaaladan oo walaac xoogan ka muujiyay dabkaasi, ayaa waxay bilaabeen inay guryahooda isaga cararaan, haddii uu dabku uu si dhakhsi ah ugu fidaayo goobo hor leh.
Saahid Ibraahim oo ka mid ah Somalida degan Magaalada Fort McMurray, ayaa sheegay inay dadku ka qaxayaan Magaaladaasi. Qudhiisu wuxuu sheegay in uu isaga barakacay hoygiisii.
Dadka deegaanka, ayaa waxay u barakacayaan warshado shidaal oo u dhow Magaalada Fort McMurray, sida uu Laanta afka Somaliga ee BBC uu u sheegay Saahid Ibraahim.
Dadka oo ku barakacaaya gawaaridooda, ayaa waxaa la arkayaa iyagoo shidaal kaga shubanaaya goobaha lagu iibiyo, waxayn indhahaagu qabanayaan qiiq xoogani oo hawada Magaaladasi qabsaday.
Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa waxaa uu sheegay inay garab taagan yihiin bulshada ku dhaqan Magaalada uu dabku halakeeyay.
Wararka
Balaarinta xubnaha BRICS- Afrika iyo Galbeedka Ma Waxay U Tahay Isku-dheellitir Awoodeed Ama Is-jiidjiid Cusub?
W/Q Dr Maxamed Cismaan
Is-balaarinta degdega ah ee wadamada ku midoobay iskaashiga dhaqaalaha ee loo soo gaabsho BRICS ee kala ah Baraasiil, Ruushka, Indiya, Shiinaha, iyo Koonfur Afrika—waxay xoojisay hadal haynta ku saabsan doorka Afrika ee nidaamka cusub ee aduunka. Taariikh ahaan, Afrika oo ah meel ay ku badantahay saameynta reer galbeedka iyo ka’faaideysigooda kheyraadka qaaradda, ayaa xilligan waxay wajahaysaa xaalad xasaasi ah. Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa bal in Qaaradda noqon doonto mid wado cusub u jeexda awoodaha is haya ee reer-galbeedka iyo BRICS ama waxay noqon doontaa goob ay awoodahan ku dagaalamayaan oo ay siku jii-jiidaan?
Qiimaynta taariikhiga ahi waa muhiim si loo fahmo xaaladaha siyaasadeed ee ay soo martay qaaradda. Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19-naad, qaaraddu waxa ay bartilmaameed u ahayd imbaradooriyadda Yurub, taasi oo si weyn u qaabaysay qaab-dhismeedka dhaqan-siyaasadeed. Wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo quwadihii hore ee gumaystaha sida Faransiiska iyo Ingiriiska, ayaa reebay saamayn aan la qiyaasi karin, iyagoo ku soo gabanaya deeqo shisheeye iyo mashaariic horumarineed.
Si ka duwan qaababkii soo jireenka ahaa ee reer galbeedku u wajaheen qaaradda Afrika, waxay u muuqataa in isbahaysiga dhaqaale ee BRICS uu la soo shir-tagayo qaab ay ka marantahay faragelin isla markaana leh sinaan iyo horumar. Iyada oo maalgelin weyn lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha , waxbarashada, iyo tignoolajiyada, waddamada BRICS waxay higsanayaan in ay la yeeshaan Afrika xiriir faa’iido leh. In Koonfur Afrika xubin ka tahay BRICS ayaa waxay qaarada Afrika siinaysaa cod miisan leh iyo fursado gaar ah taasi oo u sahlaysa qaarada in ay la jaan qaado horumarka iyo kobaca.
Soo ifbaxa iskaashiga BRICS ayaa dhibaato ku ah wadamada reer galbeedka. Inkastoo weli reer galbeedka si buuxda gacanta ugu hayaan dibloomaasiyadda iyo dhaqaalaha qaaradda, haddana is-balaarinta BRICS waxay halis ku tahay in wax ka badasho dheelitirka awoodda. Kuwa wax naqdiya waxay tilmaamayaa in xiriirka BRICS la mid yahay “diblomaasiyadda dabinka deynta,” gaar ahaan Shiinaha, si ay ugu doodaan in ka-qaybgalka kooxda laga yaabo inaysan u noqon Afrika deeqsinimo sida muuqata.
Cabsida ayaa ah in iyadoo laga yaabo in wadamada BRICS aysan si cad ku xirin shuruudo deeqaha iyo taageerada ay bixinayaan, in haddana ay si hoose u soo rogi karaan xaalado dhaqaale oo wax u dhimaya madax banaanida Afrika. Qaaradda ayaa hadda wajahaysa fursad aan horay loo arag. Dhinac, waxa jira xiriir soo jireen ahaa oo ay qaaraddu la leedahay reer galbeedka, oo ay ka buuxaan taariikh iyo aqoon. Dhanka kale, waxaa jira isbahaysi cusub oo lala yeesho wadamada BRICS kuwaas oo ballan qaadaya koboc dhaqaale oo aan lagu xirin shuruudo siyaasadeed oo cad.
Waxa xaqiiq ah in wadamada Afrika aanan si siku mid ah loo la dhaqmi Karin, sababtoo ah heerka dhaqaale ee wadamada Afrika ayaa u baahan habab kala duwan. Laga bilaabo waddamada kheyraadka qaniga ku ah sida Nigeria iyo Angola ilaa xarumaha teknolojiyadda ee kobcaya sida Kenya iyo Rwanda. Ururka BRICS wuxuu u wajahayaa Qaaradda siyaabo kala duwan, laakiin caqabaddu waxay tahay sidii lagu ogaan lahaa iskaashiga ku habboon baahiyaha horumarineed ee dalalka Afrikaan.
Balaarinta ururka dhaqaalaha ee BRICS waxa ay siinaysaa wadamada Afrika awood ay ugala xaajoodaan heshiisyo wax tar leh ururka BRICS iyo wadamada reer galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta digniin—Afrika waa in ay iska ilaalisaa in ay noqoto goob ay ku hardamaan quwadaha reer galbeedka iyo Ururka BRICS kuwaasi oo isku haya siyaasad iyo awood. Waa in si taxadar leh loo abuuraa Iskaashi istiraatijiyadeed, iyadoo la kala soocayo danaha qaranka iyo faa’iidada mustaqbalka fog.
Dhinaca kale, balaarinta lama filaanka ah ee ururkan iyo oggolaanshaha lixda xubnood ee cusub ee Sucuudiga, Iran, Itoobiya, Masar, Arjantiin iyo Imaaraadka Carabta, ayaa laga yaabaa inay saamayn ballaaran yeelato, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Mid ka mid ah su’aalaha ugu xiisaha badan ee ka dhashay ballaarintan ayaa ah in qaabka ururka BRICS wax u wajahayo ee ku salaysan iskaashiga hurumarinta dhaqaalaha laga yaabo in uu xal u noqdo khilaafaadka muddada dheer soo jiitamayay ee xubnaha cusub, sida muranka wabiga Niil ee Masar iyo Itoobiya.
Marka la eego sida ururkan diiradda u saarayo kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga, BRICS waxay horumarin kartaa xalal iskaashi oo faa’iido u leh labada waddan. Xaaladani waxay tijaabo u noqon kartaa awoodda ururka ee kobcinta diblomaasiyadda dhaqaale ee xubnaheeda.
Doorka Shiinaha ee dhexdhexaadinta Sucuudiga iyo Iran ayaa bixinaya aragti wanaagsan oo ku aadan sida BRICS ay u wajahdo xallinta khilaafaadka. Xiisaddii soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay Riyadh iyo Tehraan ayaa xoogaa hoos u dhacday, waxaana mahadaasi leh Shiinaha oo adeegsaday aragtiyo istiraatijiyadeed iyo dano dhaqaale oo isugu jira.
Ugu dambeyntii waxa muuqata in Afrika iyo saaxibadda cusub eek u biiraya BRICS ay haatan haystaan fursado aan horay loo arag oo ay dib ugu qeexi karaan mustaqbalkooda. Waa dheeli tirnaan aan sugnayn, balse rajo leh oo u baahan dhaq-dhaqaaq dublamaasiyadeed oo hufan. Mar walba oo danaha leeyahay ay kordhaan, waxa sidoo kale sara u kaca suurtagalnimada isbeddelka ee Afrika iyo guud ahaan bulshada caalamka.
MACLUMAAD KU SAABSAN QORAAGA
Dr Mohamed Osman Mohamoud , waxa uu sitaa shahaadada PhD-ga. Waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (UPEACE). Marka laga soo tago doorka uu ku leeyahay dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, Dr Mohamed waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar . Waxaad kala socon kartaa qoraaga twitterka @ MohamedOsmanSom
DHAMAAD:
Wararka
Dowladda Jarmalka oo malaayiin lacag ah ku bixineysa caawinta dadka ku dhibaateysan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Jarmalka ee Iskaashiga Caalamiga ah ee GIZ ayaa lagu sheegay in Jarmalku uu 20 milyan oo Yuuro ugu deeqay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) si loogu caawiyo dadka ku dhibaataysan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
War-saxaafadeedka oo xusay in kaalmadaasi la marsiinayo Qaramada Midoobay si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaarta ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, ayaa yiri:
Ka dib abaar taariikhi ah, Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ku-dhowaad 13 milyan oo qof ay halis ugu jiraan gaajo. Soomaaliya, qiyaastii 1.4 milyan oo qof ayaa ku barakaci kara abaarta hadda jirta. Halka 7.7 milyan, oo ah kala bar tirada guud ee dadka Soomaaliyeed, ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo. Roob yar uun ayaa ka da’ay dhowr gobol oo Geeska Afrika ah tan iyo dabayaaqadii 2020-ka.
Jarmalku waxa uu Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) siinayaa 20 milyan oo Yuuro si loo hubiyo in dadka ku nool deegaannada khatarta gaarka ah ee ka imaaneysa gaajada ka jirto ay heli karaan gargaar degdeg ah. Maalgelintan ayey tahay in loo isticmaalo, arrimo ay ka mid yihiin, in in ka badan 50,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool lagu siiyo quud loogu talagalay xoolahooda. Dalka Itoobiya, 26 ‘waro’ qallalay ayey tahay in dib loogu biyo dhigo. Kenya, 15,000 oo qoys ayaa lagu wadaa inay helaan lacag caddaan ah.
Qaybo ka mid ah saddexda waddan, roobabku waxay hoos u dhaceen ilaa 70 boqolkiiba. Gobollada qaar ayaa xitaa la daalaadhacaya roobabkii ugu yaraa ee abid.
Xoolo dhaqatada reer guuraaga ah iyo xoolo dhaqatada nag ayaa wajahaya dhibaatooyin sii kordhaya. Qoysas aad u badan ayaa lumiyay ishii dhaqaale ee kaliya. Maadaama roob la’aantu ay sidoo kale sababto in dhul daaqsimeedka uu qallalo, reer guuraagii xoolo dhaqatada ahaa iyo xoolahoodii ayaa si sii kordheysa ugu wareegaya dhul-beereedka. Dhulka beerashada ku habboon wuu sii yaraanayaa. Ceelasha iyo nidaamyada waraabka ayaa qallalaya. Khilaafyo cusub oo ka dhashay tartanka beeraha sii yaraanaya, dhul daaqsimeedka iyo ceelasha biyaha ayaa soo ifbaxaya. Dhibaatooyinka ka dhashay iska horimaadyada hubeysan ee ka jira Itoobiya iyo Soomaaliya iyo sidoo kale ‘Saf-marka Ayaxa’ ee 2020 ayaa xaaladda uga sii daray.
Maalgelintani waxay muujinaysaa habka aasaasiga ah ee dowladda Jarmalka ee gargaarka bini’aadannimo. Ujeeddadeedu waa in la bixiyo caawimo sida ugu dhakhsaha badan iyo sida ugu macquulsan uguna suuragalsan si looga fogaado ama loo yareeyo waxyeellada. Dowladda Jarmalka ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay kordhisay gargaarka bini’aadannimo ee Afrika. Sannadkii 2021, waxa ay diyaarisay lacag dhan 564 (Shan boqol, lixdan iyo afar) milyan oo Yuuro si loogu caawiyo qaaradda Afrika.
Warbixinada
OGAYSIIS MUHIIM AH
DOWLADD GOBOLEEDKA JUBBALAND SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
Dowladda Hooseee Degmada kismaayo
OGAYSIISMUHIIMAH
Waxaa dhamaan ganacsatada Degmada Kismaayo lagu wargalinayaa in maamulka dowladda hoose ee degmada kismaayo uu sanadki cusubaa ee 2021 Bisha Janaayo uu bilaabay nidaamka diiwaan-gelinta ganacsiga iyo soo saarista shatiga ganacsiga ee mehered kasta oo ku taala Degmada Kismaayo. Waxaa ilaa hada la diwaangeliyey in ka badan 3,300 oomeheradood.Sanadkan 2022 dawladda hoose ee degmada kismaayo waxay dhiiragelineysa in gamacsiyada hadhay ay sida oogu dhaqso badan is ku diwaangeliyaan una qaatan shatiyada ganacsiga. shatigaas oo ah shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hoose si loola socda dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada ksimaayo.
SUPPORTEDBY:ILO/UNJPLG
Muhiimadda uu leeyahay in la qaato shatiga Ganacsiga Dowladda Hoose:
- In lakala nidaamiyo ganacsiyada heerar kooda kala duwan lagana hortago ganacsiyda sharci darrada ah.
- In ganacsigu yeesho aqoonsi ugaar ah uu na noqdo mid ka masuul ah wixii ku dhaca aqoonsigiisa gaarka ah hadiiuuu isticmaali si sharciga kabaxsan
- In la ilaaliyo bad-qabka iyo caafimaadka ganacsiga.
- In lala socdo tirada iyo hadba kor ukaca ama hoos udhaca ganacsiga magaalada.
- In ay Dowladda Hoose hesho dhaqaale ay kuhormariso arrimaha bulshada.
Yaa ubaahan shatiga ganacsi:
Shatiga waxaa u baahan oo loo soo saarayaa dhammaan nuucyada iyo qeybaha kala duwan ee ganacsi kuwaas oo ka howl gala gudaha magalaada kismaayo. Qof ama shirkadd kasta oo furanaya goob ama xarun ganacsi waxaa waajib ku ah in uu haysto shatiga ku habboon nuuca ganacsigiisa.
Yaa soo saaraya shatiga:
Shatiga ganacsiga Dowladda Hoose waxaa soo saari kara keliya Dowladda Hoose,Majirto hay’ad Dowladeed ama mid gaar loo leeyahay oo bixin karta shatiga ganacsiga DowladdaHoose.
NidaamkaQaadashadaShatigaDowladdaHoose:
- Waa in uu tagaa xafiiska qaabilsan bixinta shatiga ee Dowladda Hoose ee kismaayo
- Waa in uu si sax ah ubixiyaa dhamaan Macluumaadka looga baahanyahay ganacsigiisa sida nooca ganacsiga, goobta uu ku yaalo, aqoonsiga iyo dhamaan wixii macluumaad ah oo looga baahdo waxaana diyaar ugu ah shaqaale u tababaran shaqadaas.
- Kadib dhamaystirka macluumaadkii looga baahnaa waxaa goobtaas ganacsiga lagu sameynayaa qiimayn waxaana loodirayaa shaqaalaha qiimeynta uqaabilsan dowladda hoose.
- Qiimaynta kadib waxaa ganacsadaha loo dirayaa fariin ah nooca ganacsigiisa iyo darajada uu ganacsiga kaga jiro iyo lacagta shatiga ee ku waajibtay
- Fariintaas marka uu helo ganacsaduhu waxaa uu bixinayaa lacagta shatiga waxaan uu kushubayaa khasanada Dowladda waxaana uu dib ugu soo celinayaa warqadda caddeynaysa lacag bixinta xafiiska shatiyada ee Dowladda Hoose si loo siiyo shahaadada shatiga. Sidaas ayuuna ganacsigaasi ku diwaan gashan yahay kuna yahay ganacsi sharci ah.
- Sanad walba bisha koowaad waa in Ganacsaduhu cusbooniistaa shatigiisa Dowlada Hoose.
Si aad u hesho warbixin faah-faahsan ah fadlan tag xarunta Dowladda hoose ee Degmadakismayo
-
News In English2 years ago
Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.
-
Wararka4 months ago
Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love
-
Wararka3 years ago
Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.
-
Wararka6 months ago
Latest News: House Sale Contract Signed, Operating Agreement and Amendment, Announcement about Rental Agreement Crossword Clue, Custody Agreement in Maryland, Rollover Agreement Template, Agreement 1980 MP3, Divorce Settlement Agreement South Africa Template, Tax Definition Agreement, Latest Prenuptial Agreement Sample Philippines, Volume Based Discount Agreement