Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada saddex ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo Shabaabka u qaabilsan qorista Dhalinyarada Kenyanka ee Shabaabka ku biira.
Kenya waxa ay sheegeysaa inay heshay magacyada 3 ka mid ah Saraakiisha Ururka Jeesh Ayman oo ah faraca Al-Shabaab ee Kenya, kuwaas oo u qaabilsan Askar qoridda iyo abaabulidda howlgallada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda Kenya.
Booliska Kenya waxa ay sheegayaan in saddexdaan ruux ay yihiin kuwa dhalinyarada ka dhaadhiciya inay ku biiraan Shabaab, kuna qanciya ficilada ay geysanayaan Shabaabkaasi.
3-da nin ee magacyadooda la soo bandhigay ayaa lagu kala sheegay Cabdi Fitaax Abuukar Axmed , Ramadaan Kufungwa iyo Axmed Iimaan Cali, waxaana ay Dowladda sheegtay in ay dooneyso in si dhaqsi ah loo soo qabto.
Booliska Kenya waxa ay sheegeen saddexdaan nin inay masuul ka yihiin Dhalinyaro badan oo Kenyan ah oo Shabaab ku biiray, kuwaasi oo laga waayay dalka Kenya, qaarkoodna ilaa hada Shabaab la jooga.
Cabdi Fitaax Abuukar waxaa ay Kenya sheegtay in uu Soomaaliya ka baxay 2008-dii markaas oo uu la shaqeynaayay Saalax Nabhaan oo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku dileen Degmada Baraawe.
Kenya ayaa dhawaan sheegtay dhalinyarada dalkaasi u dhashay maalin waliba sideed saacadood oo ka mid ah inay waqti ku bixiyaan inay booqdaan Websiteyada lagu soo qoro wararka la xiriira Argagixisada.