Connect with us

Wararka

Mareykanka oo ka hadlay duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacyo

Published

on

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Gobolada Mudug iyo Jubadda Hoose, kaasoo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen Ururka Al-Shabaab.

Hase ahaatee duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa muran weyn dhaliyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Mareykanka duqeeyay ciidamo ka tirsan Maamulla Galmudug.

Afhayeen u hadlay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka oo lagu magacaabo Jeff Davis ayaa sheegay in labo duqeyn todobaadkan ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Kismaayo oo uu tilmaamay in Al-Shabaab la beegsadeen.

“Waxaa Soomaaliya noo jooga koox tiro yar ah oo Ciidamo Mareykan ah, kuwaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ka taageeraya dagaalka Al-Shabaab 26-kii bishan September ayaa ciidamada Soomaalida iyo kuwa la taliyeyaasha Mareykanka waxaa soo weeraray Al-Shabaab, waxay sameeyeen weerar is difaacin ah, afar ruux ayayna ka dileen Al-Shabaab”ayuu yiri Jeff Davis.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in weerar ka dhacay 28-kii bishan magaalada Gaalkayco howl galkaas ay hor-boodayeen Ciidamada Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Soomaalida iyo La taliyeyaasha Mareykanka ay soo weerareen Al-Shabaab.

“Howl galka labaad wuxuu ahaa habeenkii 28-ka bisha September, waxay aheyd Gaalkacyo Puntland ee bartamaha Soomaaliya, wuxuu ahaa howl gal ay Soomaalida horboodayeen, oo ka dhan ah argagixisada, si looga hortago kooxda Al-Shabaab oo sameyneysay waxyaabaha qarxa, markii ay taasi sameynayeen koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo weerareen Ciidamada Soomaalida iyo taliyeyaasha, Mareykanka, kwuaasoo halis geliyay nabadgelyadooda, Mareykanka wuxuu ku jawaabay duqeyn, waxaa ka dilnay 9 maleeshiyo”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka kama uusan hadlin weerarkii Gaalkacyo ka dhacay ay ku beegsadeen ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo in kale, hase ahaatee waxaa uu ku nuux nuuxsaday in weerarkaas ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab, kuna dileen 9 ka tirsan Al-Shabaab sida uu yiri

Wasiirka Amniga Cusmaan Ciise Taar-Dhuleed ayaa sheegay in weerarka ka dhacay duleedka Gaalkacyo uu ahaa mid warbixin qaldan ay bixiyeen Maamulka Puntland, isla markaana lagu dilay 20 ka tirsan ciidankooda, waxaa uu sheegay in weerarka ciidankooda lagu soo qaaday ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Puntland sida uu yiri.

Banaan bax looga soo horjeedo duqeynta lagu laayay Ciidamada Galmudug ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu gubay calanka Mareykanka.

Continue Reading

Wararka

Ciidamo katirsan Ururka 12-aad ee Gorgor oo Tababar logu Soo Xiray Muqdisho.

Published

on

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababar u soo xiray Ciidamo katirsan Ururka 12-aad ee Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo xiray Ururka 12-aad ciidanka Gorgor ee CXDS kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee Ciidanka.

Ciidamadan oo ah kuwo qaba tababar dhammeystiran ayaa ku biiri doona hawlgalada ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku dalka kaga saari lahaayeen Alshabaab.

Wasiiru dowlaha ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay kaga go’antahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

Wasiir Cabdinuur oo bogaadiyay dadaalada ciidanka qaranka ayaa sidoo kale u mahadceliyay macalimiinta dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiinta Soomaaliyeed ee juhdiga ku bixiyay Ciidankan intii uu tababarka socday.

Continue Reading

Wararka

Guddoomiye Madaale oo kormeeray Kontrolo ku yaalla degmooyinka Muqdisho

Published

on

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu Wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xalay kormeer ku saabsan u kuur galida sugida Amniga Caasimadda ku tagay baraha Kontorol ee ku yaala Degmooyinka xiga qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mid mid u booqday baraha Koontarool ee laga soogalo dhinaca Bari, asigoona halkaasi warbixino Amniga quseeya kaga dhageystay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday, waxa uuna ku dhiirageliyay sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka amni darro,

 

Continue Reading

Wararka

Nin Muqdisho Ku Dilay Askari ka Tirsanaa Ciidanka Uganda Oo isna la Toogtay.

Published

on

Faah faahino ayaa laga helayaa dil goor dhow ka dhacay albaabka laga galo Xarunta xerada Xalane gaar ahaan dhanka xiga Madiina Gate ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay kusoo warrameen in dilka hore uu Muwaadin Soomaali ah u geystay Askari ka tirsanaa ciidanka Uganda ee ku sugan albaabka laga galo Madiina Gate.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii Muwaadinka Soomaaliga iyo Askariga uu soo kala dhex-galay muran kooban oo markii dambe sababay in Ninka Soomaaliga uu tooreey ku dhufto Askariga oo durbadii dhintay.

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in ciidanka UPDF ee jooga Madiina Gate ay iyaguna toogasho ku dileen Muwaadinka Soomaaliga ahaa ee dilka geystay, kadib markii uu isku dayay inuu halkaasi ka baxsado.

Goobta ay dilalka ka dhaceen ayaa waxaa ka taagan xiisad, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ay sheegayaan in la xanibay dhaqdhaqaaqa Madina Gate halkaasi oo ciidamo fara badan ay soo buux dhaafiyeen.

Continue Reading
Advertisement Starfmsomalia
Wararka2 weeks ago

Ciidamo katirsan Ururka 12-aad ee Gorgor oo Tababar logu Soo Xiray Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Guddoomiye Madaale oo kormeeray Kontrolo ku yaalla degmooyinka Muqdisho

Wararka2 weeks ago

Nin Muqdisho Ku Dilay Askari ka Tirsanaa Ciidanka Uganda Oo isna la Toogtay.

News In English2 weeks ago

SNA kills over 20 Al-Shabaab militants killed in Awdhegle district

News In English2 weeks ago

Security officials launch investigation as inter-clan conflicts plague Galkayo

Wararka2 weeks ago

Duqeyn Ka Dhacday Galgaduud Oo Dad Rayid ah Waxyeelo Ka Soo Gaareen.

Wararka2 weeks ago

Axmed Madoobe Oo Qaabilay Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Faderaalka Soomaaliya.

Wararka2 weeks ago

Dagaal Maanta ka Dhacay Degmada Owdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka2 weeks ago

Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirkii Morocco oo gaartay 2 kun oo Qof

Wararka3 weeks ago

Ra’iisul Wasaare Hamza Ayaa kulan Laqatay Saraakiil ka tirsan CXD Oo Tababar Uga Soconayo Dalka Qatar.

Wararka3 weeks ago

Labada Masuul Ee ugu Saraysa Maamulka Galmudug Oo Khilaaf Xoogan Soo Kala Dhexgalay.

Wararka3 weeks ago

Dhul-gariir Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ku Dhuftay Dalka Marocco.

Wararka3 weeks ago

Madaxweyne Cali Guudlaawe Oo Abaabulka Dagaalka Ka Dhanka ah Al-Shabaab Kawada Shabeelada Dhexe.

Wararka3 weeks ago

Balaarinta xubnaha BRICS- Afrika iyo Galbeedka Ma Waxay U Tahay Isku-dheellitir Awoodeed Ama Is-jiidjiid Cusub?

Wararka3 weeks ago

Rag Hubeysan Oo Xalay Xirtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Caabudwaaq.

Wararka3 weeks ago

Somalia iyo Itoobiya Oo Muqdisho Ku Kala Saxiixday Heshiisyo Cusub.

Wararka3 weeks ago

Soomaalidii ugu badneyd oo laga soo masaafurinayo Canada & sababta keentay

Wararka3 weeks ago

Golaha Ammaanka QM Oo Go’aan Ka Gaaray Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.

Wararka3 weeks ago

Ciidamada Dowladda Oo Degaano Horleh kala Wareegay Al-Shabaab.

Wararka3 weeks ago

Dawlada Soomaaliya Oo Ciidamo Fara badan u Daabulaysa Gabalka Galgaduud.

Wararka3 weeks ago

RW Xamsa Cabdi Barre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo u Dhoofay Qatar.

Wararka3 weeks ago

Al-Shabaab Oo Weerar ku Qaaday Daaru-nicma Ee Gobalka Shabeelada Dhexe.

Wararka2 months ago

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo safar ku tegay Gobolka Gedo

Dhegeysi8 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka7 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi8 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka8 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka7 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka8 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Dhegeysi3 years ago

News In English12 months ago

Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.

Wararka7 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Wararka7 years ago

Qaar Kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha oo baaq deg deg u diray Golaha Ammaanka ee QM

Dhegeysi8 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka6 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka7 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

News In English8 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka6 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English8 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo8 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Wararka6 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English8 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Wararka5 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

News In English6 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Daalaco